UGAARSIGA SARAAKIISHA IYO CIIDANKA MAAYLAND KU JIRA DOWLLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO HAATAN SI TOOS AH DALKA UGA BILOWDAY LAAKIIN!!

0
206

Saraakiisha dhiigga leh ee u dhalatay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) ku jira dowlladda federaalka Soomaaliya oo horaanba boqolkiiba sagaashan iyo sagaal hilfaha loogu qaaday, tahayna sababta loo dhilay xilalka looga ilaaliyay in dadyowga Maayland dhulkooda si toosa ah loola wareego, ayaynu si kooban idin kugu iftiimin doonaa dhacdooyinkii u dambeeyay weerarada isdabajoogga ah lagu hayo saraakiisha iyo dableyda xoogga dalka ka midka ah Maxaga aan ahayn taagtaagga iyo culusyada cunsuriyadda lagu hayo ee aan waafiqsanayn shuruucda waddanka iyo ka seerjitada qaranku leeyahay, balse si cad loo baalmaray ku dhaqankiisu xeerkii toosnaa.
Taliyaha ciidanka Danab-ta fadhida Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland lagu magacaabo Jiniiq darajada reer ahaanta lagu siiyay garbaha loo suray gaashaanle kuna beesha ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wixii dhac qaran uu gaystayo hore haddaynu ka nimaano, maalintii Sabtidii taariikhdu ku beegnayd 31.08.2019 kolkii isago istoorka rasaasta garoonka Bilidoogle JBM baabuur BL intuu u keensaday ee uu xadayo ciidanku ku qabteenoy Mareykanka qalabka bixiyayo ka agdhowaa ay ugu yeeroonoy tuseen, deetana tuuggaasi taliyaha ah qalqal uu ka muuqdo ciidan fasax ku socda uu gaari la raacay Muqdisho iska aaday, kaaso mudnaa sida sharcigu qabo in tilaabo adag laga qaado maadaama uu dhacay hantidii qaranku lahaa ooy ummadda ka dhaxaysay.
Jiniqaar goortii uu Muqdisho tagey abaabul shirqool ayuu galay, waxaana maalintii Isniinta taariikhdu ku aaddanayd 2.9.2019 isago 6 gawaarida gaashaaman ciidaamo buuxbuuxaan beeshiisu iyo beesha Reer Galmudugi uu soo uruursaday weerar ku qaaday hooyga abaandulaha ciidanka Danab urur 4-aad Kabtan Maxamed Isaaq u dhashay Maayland, hoygiisaaso ku yaal degmada Madiina dhanka Wadajir, taaso dhalisay in gaari Cabdi-Bile ah abaanduuluhu lahaa ay xoog kula wareegaan, gurigiisu ay si xun u fitishaanoy dabagaddiyaan si qayrulcaadi ah, islaantiisuna oo suulli, ama musqul ku jidho qaawan ixtiraamdaridooda ay ugu galaan, taasi oo ah mid aan sinaba loo aqbili karahayn.
Kabtan Maxamed Isaaq sarkaalka ay ka qayliyeen qolyahan isbahaystay calanka buluugga huwan qaranimada dadka Maayland u dhashay ciidan iyo saraakiil shacbiga ku dhagraya xiligii ay weerarayeen gurigiisu waa uu ka maqnaa, waxaana aynu ka wada dharagsanahay in abaanduule Maxamed Isaaq oo aqoondurugsan u leh arrimaha milatariga 2 sano Kambala tababar adag ku soo qaatay sanadna Jasiira ka soo qalin jabiyay, maalmo kahor gurigiisa lagu qarxiyay gaarigiisa shibilka uu leeyahay, qaraxaaso la doonayay in lagu khaarijiyo ee uu ka dambeeyay Jiniqaar iyo Baandadiisa laalushku siiyay u horayso Iimaan Elman oo dhamaantooda ku heshiiyay inay daaqadda ay kala baxaan idil ahaan saraakiisha u dhashay Maayland ooy u arkaan inay dhiig iyo karti dadnimo ay leeyihiin.
Ariinta qaraxa haddaynu ku yara noqono, qaraxa intaanu dhicin hoyga Kabtan Maxamed Isaaq waxaa maalmo kahor yimid nin xidigle ah ka tirsan hoggaanka sancada ciidanka xoogga federaalka Soomaaliyeed kaaso uu la socday 2-xidigle Jaamac Furux u dhashay Galmudug aabbihii qabqalayaasha Muqdisho ka mid ahaa, ahaana kii Jiniqaar Cabdi-Bilihii uu gatay Kabtan Cabdallaha Maayga u dhashay lagu nabay xabsiga gaashaandhigga ku yaal imikadan ugu xiran, deetana gaarigaasi inta garaash Madiina ku yaal ciidanku dib ugu soo qabteen, haddana Jiniqaar uu u dhiibay Suuqa-Xoolaha isago Shabaab ka iibinaya milatariga qaranku ay ku soo qabteen, waxaana gurigu ay u yimaadeen bal inay indha indheeyaanoy qaraxyo ku xiraan si Abaanduule Maxamed Isaaq dunida uu uga rawaxo, taaso Illaahay uu ka badbaadiyay makrigooda mishankay u dhigeen, iyado ay xusid mudan tahay in, Kabtan Maxamed Isaaq qaraxa intaanu lagu weerarin ka hor tilifoon uu ugu soo hanajabay nin la yiraahdo Cali Cabdullaahi loogu naanayso (Halac)darajadiisu tahay 2-xiddigle ka tirsanaan jiray ururka 4-aad Danab Bilidoogle JBM laga baddalay, ninkaaso kolkii horana ururka looga baddalay xatooyo iyo dhac hantida qaranka uu sameeyay, taaso Mareykaynku eedayn ay dusha kaga tuureen dabadeed Jiniqaar uu baddal ku dhuftay, islamarkii Jiniqaar uu baddalayna cabsigelin kadib, Jiniqaar uu gaari Cabdi-Bile ah ee uu lahaa Kabtan Cabdiraxmaan Mursal (Bar-kulan) sarkaal u dhashay Maayland uu lahaa looga qaadayo lagu laaluushay una sheegay Jiniqaarku Halac in ka baddalka ku dhuftay uu yahay Kabtan Maxamed Isaaq oo abaanduulaha ciidanka ah ee isagu Jiniqaar ahaan aanu shaqo ku lahayn, taasoona mar kale keentay in Halac oo ilma adeer la ah Immaan Elman uu dil ugu soo hanjabo Kabntan Maxamed Isaaq.
Gawaaridii hore qaranku lahaa marka laga yimaado, Jiniqaar saacddan waxaa kalo gurigiisa yaal 5 gaari nuuca gaashaaman xabbadda aan karin (Bullet-Prove)-ka loo yaqaan ee uu Ameerikaanku ugu deeqay ciidanka Xoogga, waxaaana si Kabtan Maxamed Isaaq meesha uu uga saaro laaluush baabuur badan uu u siiyay saraakiil farabadan sida 1-Sida Iimaan Elman garaaddada reer hebel ahaan la isaga siiyay garbaha loo saarsaaray gaashaanle dhexe u dhalatay Galmudug fadhidana xafiiska Ciidanka Xoogga Federaalka Soomaaliya oo uu siiyay hal Cabdi-Bille. 2-Iimaan Elman hooyadeed u dhalatay Galmudug hal Cabdi-Bile. 3-Cali Aadan u dhashay Gamudug ahna taliyaha ururka 14-Oktoobar fadhiya gobolka Shabeellaha-Hoose JBM hal Cabdi-Bile. 4-Cali Cabdullaahi (Halac) u dhashay Galmudug la ilma adeer ah Iimaan Elman hal Cabdi-Bile. 5-Janaraal Raage u dhashay beesha raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre haystana mid ka mid ah hoggaannada wasaaradda gaashaandhigga federaalka Soomaaliya hal Cabdi-Bile. 7-Kornayl Axmed Danab u dhashay beesha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hal Cabdi-Bile. 8-Janaraal Yacquub u dhashay Beesha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hal Cabdi-Bile. 9- Janaraal Qaanso u dhashay beesha raysalwasaare Xasan Cali Kheyre hal Cabdi-Bile.
Haddaba waqtigan aynu joogno Jiniqaar waxaa uu wareegayaa guryaha saraakiisha sarsare ee ciidanka xoogga iyo madaxda dalka si uu laaluush u siiyo ayna ula buusaan Kabtan Maxamed Isaaq dacwad been been ah degdeg ah looga diyaariyo shahaado-suur ay ugu noqdaan, waxaana u dambaysay saacado kahor isago la fadhiya xeer ilaaliya qaranka federaalka Soomaaliya ninka lagu magacaabo Kabtan Ismaaciil oo beel ahaan ay isku beesha yihiin isku meel ay iskala soo jeedaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyado mar kale ay xusid mudan tahay in sababta Abaanuule Maxamed Isaaq loo bursanayo ay tahay bacdama uu sarkaal Maayland u dhashay karti iyo aqoon wanaagsan uu leeyahay yahay booska laga riixdo, oo Iimaan Elman iyo ay u gaystaan darkiisa ruux iyaka ku beel ah ka soo jeeda Galmudug Jiniqaarna culaysku uu uga dago, maxaa yeelay kuwan dulmiga wada dhulka Maaygu ku soo duulay waxay tixiraacayaan dulmi horay u soo jiray ooy dadyowga Maaygu ciidan iyo saraakiilba isaga aamusnaayeen kana mid ah Maayland inay askar uun iska ahaan jireen la iska raran jiray awal, balse haatan xafiisyadu ay taagan yihiin doonayaana inay aayaddoodu ay qaataan, tusaale – ururka Danab Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland waxaa taliyaasha gabi ahaanba badankood haystay reer Galmudug iyo beesha guud ee Kaligii-taliye Farmaajo sida-Danab horinteeda 1-aad oo uu haysan jiray Cabdi Cali Raage u dhashay Galmudug, gaar ahaan Cadaado kuxigeenkiisuna ahaa Cabdullaahi Halac isna isla Galmudug u dhashay, gaar ahaan Dhuusamareeb, halka Axmed Beeryare darajadiisu tahay gaashaanle u dhashay beesha Galmudug, gaar ahaan xigta hoose ay yihiin hoggaamiyihii hore arggiggixisada Alshabaab Mareykanku ay Galguduud duqayn kula dileen gudaha Galguduud sanadkii 2008-dii Aadan Xaashi Cayrow, Beeryarahaaso ahaa taliyihii Saadka Danab oo kolkii la baddalayna dhacay hantidii qaranka sida gaari Cabd-Bile iyo iidaankii Ciidaanka, wuxuuna dagay caasimadda Kambala waddanka Uganda oo uu guryo ka gatay, waxaana gurigiisu Muqdisho uu ku yaalaa difaacii ciidanka cirka Soomaaliya Afisooyini, aqalkaaso dowlladda abaalmarin ay uga dhigtay ninkii dhacay hantidii qaranka, taaso dhamaanteena inooga dhigaysa marqaantiyaasha-nool-nool caddaallad-darada intaasi la’eg qabyaaladda qaawan ee magaca qaranimada Soomaaliya ay kula adeeganayaan beelaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ta Galmudug oo teeriyo sanaddii 1960-kii dalku inuu xoroobay lagu sheegay kalidooda kursiga isku badbaddalaya aaminsanna Soomaalida inteeda kale inaysan xukunku waxba aanay kala lahayn Maayguna warkiisuba daayo waxaan ahayn Maxagi.
Fir Gaar ah- Jiniqaar taariikhdan 3.9.2019 waxaa uu gaari nuke (Bullet-Prove)-ka ah xabbadda wan karin uu siiyay Kabtan Ismaaciil oo ku magacaaban xeer ilaaliyaha qaranka laaluush ahaan si loola buuso Kaftan Maxamed Isaaq dulmanaha abaandulaha ururka 4-aad Danab fadhigiisu yahoo granola wayn dayuuradaha Bilidoogle Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, Kaasoo Maaynimo awgeed la usugu tagayo loo bursanayo.

Dhurwaa hadduu xaakim noqdana ari xaq ma leh amar Alle laakiin!!
By. Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here