Ujeedka Qoor & DENI oo ugu kulmayaan Gaalkacyo oo la Ogaaday

0
25

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta ah ay safar ku tagaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, waxaana la sheegay in uu Gaalkacyo kula kulmi doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor Qoor)

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xaalada Gobolka Mudug oo ay kusoo bateen falalka Amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyada.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland ayaa siwyen uga hadli doona  Arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya o uu muran ka taagan yahay, iyada oo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland aysan weli dowladda u soo gudbin Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad goboleed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor Qoor)  oo dhowr jeer safari ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu waday qorsho uu ku dhex-dhexaadinayo musharixiinta Madaxweynaha oo diidan Guddiyada doorashooyinka ay xukuumadda Magacaawday iyo Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here