UNSOM oo loo cusboonaysiiyay joogitaankeeda Soomaaliya

0
77

Maalintii shalay ahayd ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxa ay dib u cusboonaysiisay wakhtiga hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ee  UNSOM oo Sannad kasta mar la cusboonaysiiyo.

Sida lagu sheegay qaraar shalay ka soo baxay Golaha, oo Tirsigiisu yahay 2540, ayaa dib loogu cusboonaysiiyay Wakhtiga joogitaanka UNSOM oo ku ekaa 31-da Agoosto 2020, waxaana la cusboonaysiiyay mudda sannad ah oo ku eg 31-da Agoosto 2021. Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here