Waa kuma ninka loo wado Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed? & Doorka Villa Somalia

0
8

Danjire Cali Saciid Fiqi, Safiirkii Somaliya ee Midowga Yurub ayaa waxaa lagu wadaa in uu u tartamo jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maaylanda .

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa Khamiistii ka soo muuqday liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed, ka dib markii looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku qanciyeen in uu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Maaylanda, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka Maaylanda.

Shaqaale ka tirsan Villa Somalia oo kaashanaya kuwa Xaruunta Madaxtooyada Maaylanda ee Magaalada Baydhabo ayaa u ololeynaya, sidii loo soo dooran lahaa Cali Saciid Fiqi.

Haddii aanu waxba iska bedelin sida uu yahay qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la rumeysan yahay in Fiqi uu noqon doono Gudoomiyaha Baarlamaanka xigga ee Maaylanda.

Dowladda Federaalka ayaan culeys iyo loolan muuqdo midna kala kulmin Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka, marka aad eegto Doorashadii Galmudug ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maaylanda oo shan iyo sagaashan xubnood ka kooban ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhaariyo Magaalada Baydhabo, ka dibna uu shir guddoomin doono shakhsiga ugu da’da weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here