WAA KUMA NUUR XAYIR IMISA ISBAAROOYINBAANA YAAL DEGMADA AFGOOYE JBM LAAKIIN!!

0
634

Rafaadka ragaadinaya ummadda malaayinta Maayland 70-ka sanadood magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya hilbahooga lagu warayo, laguna xalaaltaysanayo dhiiggooda iyo maalkooda nool iyo moodba ay ku jiraan gobolladooda dhulkoodi dhaxalkoodi awoowe dulmiga loogu linkaxay wuxu talaabooyinkoodu sinniqsanaya socodka ulasada lagu xiray, dib u dhacaasi raagay baaritaannadii ka dhashay dhibaatadu halka ay ka taagtaagan tahay jawaabahoodu, ayaynu jecelnahay inaynu idin kugu soo gudbino qormadan xasaasiga sida hubaalka ahna xaqiiqda ka turjumaysa loona soo diyaarshay si xaqsoornima leh sidayba diintu nagu tiri lagu soo dajiyay khaatamul ambiyaa nebi Maxamed Cs.

Mudane Nuur Xayir oo darajada maanta garbaha loo suray ay tahay gaashaanle 3 oday ay kala tirsadaan qabqablihii geeriyooday Maxamed Faarax Caydiid oo hubaal u dhashay Galmudug aagga Bandiiradley, qayaasta da’diisu tahay 48-50, se muuqiisu u egyahay 35 jir, waxaa uu taariikhiyan ahaan jiray gacan-yarihii Caydiid xiligii huwan-beeleeddiisu ay ku soo duulaysay gobollada Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) sida Shabeellaha-Hoose, Jubbooyinka, Baay, Gedo iyo Bakool.
Maleeshiya-beeleeddii Galmudug ee Salballaar kolkii Baydhabo JBM loogu soo qooyayo afjaray’ oo ugu dambayntiina hub wixii u soo haray 157-ka tiknikadiina laga soo qabsaday burburkeedii geeridii Caydiid dabadeed, Mr Nuur Xayir waxaa uu madax ka noqday madaxtooyada Villa Somalia Muqdisho oo agoonkii Caydiid dhalay uu joogay ninka lagu magacaabo Xuseen Caydiid, halkaaso baabuurta la soo dhaco lagu qali jiray, ama biraha lagu furfuran jiray.
Guud ahaan xiligaasi Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho 2 meelood ayaa jiri jidhay gawaarida la soo dhaco lagu qalan jiray, waxaana labadaasi goobood ay kala ahaayeen CC oo ku taal waqooyiga Muqdisho ee uu haystay nin la oran jiray Nuur Daqle ku beel ah wasiir Isloow oo aaqirkiina ay Al-shabaab dileen iyo Villa Somalia oo Nuur Xayir uu kaabo ka ahaa.

Dabayshii qabqablayaasha goortii ay soo afjarmatayna, Nuur Xayir wuxuu la shaqaysanayay nin lagu magacaabo Askar u dhashay JigJiga hooyadiinu ay tahay reer Caydiid haatana ah taliye-kuixgeenka bilayska dowlladda federaalka Soomaaliyeed fadhigeedu yahay Muqdisho, kaasoo xiligii maxaakiimtu nidaamka arggiggixisada la shaqaysan jiray ummadda eber kaga soo dhigay Xamar iyo nawaaxigeeda, waxaana maxaakiimtii goortii ay burburtay kadib uu ku biiray dowlaaddii Cabdullaahi Yuusuf Axmed (Yeey) oo loo dhiibay ciidanka ka hawlgala gobolka Banaadir, iyado saaxiibkiisi Nuur Xayirna kuxigeen uu u ahaa.
BM-kii iyo dagaalladii taariikhda galay badi lagu gooyay caasimadda Muqdisho dhankeeda koonfureed sanadihii 2007 ilaa 2009 ooy bulshadu badankeedu ceelyaal u soo kala qaxday Ceelasha-Biyaha gobolka Shabeellaha-Hoose JBM iyo Ceel-Cirfiid Hirshabelle, waxaa sido kalana xusid mudan in goobihii waxbarashada iyana badankood meelo kale loo soo raray.

Tusaale-mac-hadkii SIMAD oo ku yiiley dhanka waddada Warshadaha waxaa loo soo raray soonaha madaxtooyadii hore ee dowlladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan (Booy) oo ku taal inta u dhaxaysa isgoyska Lambar4 iyo fagaaraha Tiribuunka ka soo horjeedka Dugsi-Sare Banaadir, waxaa xaalladda oo Allow sahal ay tahay si adag wax lagu baranayo noloshuna adag tahay maalin maalmaha ka mid ah Askar iyo Nuur Xayir oo ciidama wata eeriyadaasi ay ku qabteen madaxwaynihii hore federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo waqtigaasi bare, ama macalin iskuul ahaa, waxaana Askar uu ku tilmaamay madaxwaynuhu inuu yahay macalin arggiggixisnimadu ardayda bara muqaawameeya habeenkii ka dhanka ah dowlladda, taasoo dhalisay in Mudane Xasan Shiikh bacaadka dhabbac dhabbac caloosha loo dhigo heerkulko maraya 40-garaad, islamarkaana Askar kaba-buudkiisu dhabarka madaxwayne Xasan Shiikh kula dul is-istaago madaxwaynaho cabaadaya iskana beriyeelaya waxa lagu eedaynayo.
Mr Askar oo si xun kaba-buudkiisa ugula kor joogjoogsanaya dhabarka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud dhididkuna ka qubanyo macalinku, ayuu Nuur Xayir taliyihiisi Askar ka codsaday bal inuu ka yara qafiifiyo kula-dul-joog-joogsiga-kaba-buudka-dhabarka Xasan Shiikh, taasoo dhalisay in Mr Xasan Shiikh Maxamuud la iska fasaxo maalintaasi, waxaana kolkii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud xilka madaxtinimada Soomaaliya uu ku guulaystay raadshay Nuur Xayirkii abaalka ku lahaa maalintii qoraxda caloosha loo dhigay ka qafiifi yiri, taasoona keentay in madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Mudane Nuur Xayir uu Afgooye JBM u dhiibo awood dheeri ahna uu siiyo, isagoo uu ku daabay nin hadda jooga mooryaano booliis ah ku beel ah Isloow laguna magcaabo Xasan Dhicisow iyo waliba nin mardhexdaasa la dilay isla Isloow ku beel ah lana dhshay xaaska Janaraal Maxamed Shiikh Xaamuud (Gitaariste) u dhashay Maayland ahaana taliyihii biliyska federaalka Soomaaliya xiligii madaxwayne xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safaroow).
Nuqdada koobaad mar labaad waxaynu fahamnay qaabkii Nuur Xayir lagu keenay looguna dhiibay degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) isaga iyo Xasan Dhicisow oo maanta xaaraanta ku haysta magaaladaasi dhaca iyo kufsiga iyo boobka marast xaaxda ka siiyay kuna faanayaan in guryo badan ay ka dhisteen isbaarooyinka degmadan qaniga ah hub badana ay ka iibsadeen iyagu u madaxbanaan, waxaana Nuur Xayir uu yahay wakiil-beeleed u fadhiya degmadan, oo waxaa gadaal ka taagan beelo dhan oo hiil iyo hooba la garab taagan dulmiga iyo dhibaataynta dadka iyo duunyada Maayland.

Dadka qarsoon hawsha ninkan uu wada gadaal ka taagan waxaa ka mid ah mid iyo laba sida Janaraal Maalin u dhashay Galmudug, gaar ahaan Jawle, kana mid ahaan jiray mooryaantii daba ordi jidhay Indhacadde oo haysan jiray saldhigga Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM, Kaniif Shire, Jeneraal Kediye u dhashay Galmudug, gaar ahaan reer Caydiid, Ilka-Case, Indhacadde, Cabdi-Qaybdiid, Xasan Jaamici, Aadan Laba-Afle, Liibaan Yuusuf Garre (Liibaan Dhamaaq) Liibaan Madaxwayne, Cali Aadan, Cabdullaahi Cali Mire, Cabdullaahi Cali Raage, Kabtan Halac, Iimaan Elman, Foorfoor, Axmed Gaashaan, ina Jaamac Furux iyo Mahad Doollar oo ah ninkii Shariif Taylarkii caanka ahaa Muqdisho ka afduubtay madax-furashadiisuna guryo uu Kismaanyo JBM ku lahaa miskiinku loo soo xaraashay oo imikadana afduubihii CID laanta dambi-baarista Muqdisho kuu fadhiya oo dhamaantood u dhashay Galmudug iyo wixii la halmaala duul kalo qarsoonba.
Nuur Xayir oo illaa iyo haatan caruur aanu dhalin dhawr jeerna Hindiyaha iyo meelahaasi u aaday dawo dhanka taranka ah, waa nin ku dheereeya kala dilka dadka gacana ku leh isbaara waliba oo taal gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, waa qof sida shaydaanka dhiiggu u raaco oo kale u dhex gala bulshada deegaanka qaybaheeda kala geddisan sida odayaasha, ganacsatada iyo ciidankaba si uu u tirtiro jiritaankooda, islamarkaana shaqaaqooyinka dhacaya uu isagu abuurayo sida xildhibaankii Hirshabelle Kaladirihii idaacadaha ka dhawaaqayayo lahaa “ilaa Leegaan goosanaynaynaa,” iyo waliba dhawr oday oo beelo afkoodaa ku hadlaynaa xuquuqdayada Maayland baa naga maqan meelaha dulmi ula soo cukusnaa, waana ninka wada, abaabulkana ugu jira waxa loogu yeero “Shabelle State,” waana Nuur Xayirkaasi Galmudug ka soo jeeda iska haystay saldhigga degmada Afgooye JBM imikana taliye looga dhigay ciidanka Daraawiishta Maayland fadhigeedu yahay magaalada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) siduu doonana ka yeelanayo cid la hadli kadhaana aanay jirin.

13-KA ISBAAROOYINKA CADCAD EE YAAL DEGMADA AFGOOYE JBM NUUR XAYIR IYO REERKIISU GLMUDUG AY MAAMUSHAAN.

  1. Isbaarada Xaawa Cabdi degmada Afgooye JBM.
  2. Isbaarada 5-ta Golaha Sare degmada Afgooye JBM.
  3. Isbaarada Bood-Bood degmada Afgooye JBM> waa meeshii dayuuraddii Masar hubka sidday ku sooo dagi jidhay xiligii Xasan Shiikh xukunku hayay kolkay Turkidu ay isqabteen kuna loolamayeen maamulka garoonka dayruuradaha Muqdisho, taaso ku taal inta u dhaxaysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose JBM.
  4. Isbaarada Baar-Ismaaciil degmada Afgooye JBM.
  5. Isbaarada Taraafikada degmada Afgooye JBM> waa midda qaybisa labada jid ka Afgooye iyo ta dheer ee aadda dhanka Wanlawayn iyo wixii ka shiheeya JBM.
  6. Isbaarada Buundada-Wayn degmada Afgooye JBM.
  7. Isbaarada Mukayga degmada Afgooye JBM.
  8. Isbaarada Buundada-Yariista degmada Afgooye JBM> waa midda ay badanaa baaburta yaryar iyo kaareetooyinka iyo shacabku ay maraan iyo xitaa gaari-gacanlayaashu JBM.
  9. Isbaarada Iskuulka Tadaamum degmada Afgooye JBM> waa midda aadda eeriyada L50 JBM.
    10.Isbaarada Dugsiga-Sare degmada Afgooye JBM> waa jidcaddaha aada dhanka Marka JBM.
    11.Isbaarada Boosteejada Xamar degmada Afgooye JBM.
    12.Isbaarada Uuleey, ama Bacaacoow degmada Afgooye JBM> waa midda aadda dhankaasi iyo Toorotooroow iyo Furuqleey iyo buldaanta waawayn JBM, waana isbaarada ugu dhaqaalaha badan, calaa-yoom waxaa lagu qabtaa maalintay ugu yadhay boqol iyo konton milyan oo Shilin Soomaali ah (150), waxaana lacagtaasi si toosa u kala shubta Nuur Xayir iyo Shabaab reer Galmudug kali ah, iyado lacagaha lagu soo kala shubto Suuqa Bakaaraha Muqdisho, oo gaarigu isago boonada kaliya wataa uu soo istaagayo isbaarada Uuleey JBM.
    13.Isbaarada Jidka-Jambaluul degmada Afgooye JBM> waa ta jidcaddaha ka soo dhacda Mukayga dhanka beeraha doogga badan ka timaadda, waana isbaarada labaad ee ugu dhaqaalaha badan, oo maalin waliba kolkay ugu yartahay 20 baabuur buux buuxda qudaar wadda ay soo maraan nimcadu dhooban tahay, iyado askarigii meeshaasi lagu qoraana uu islamarkii iska taajirayo dabaqyana durba taagtaagayo shaki la’aan.

Murankuba sad weeyee mayeeraanoow madaxwaynaha JBM Mudanaha Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur inuu Shabeellaha-Hoose dartii u xiranyahay mugga ma moogtahay mise muranbaad ka qabtaa wali miinkaad cuskantahay sida madiidinkii dantii moogaa amar alle laakiin!!

By.Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here