WABIXINTA WASIIRADDA HAWEENKA MRS XANIIFO ABWAANKII REER MAAYLAND AY XIRATAYNA

0
74

Maalintii 3-aad waxaa wasiiradda haweenka federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifo Maxamed Ibraahin Xaabsade (Xaniifa Habaas) u afduuban abwaankan lagu magacaabo Aarka Baydhabo u dhashay Reer Maayland, islamarkaana ay ilmo abti iyo ilmo eeddo ay yihiin isaga iyo iyada, sababta daciifka ah darteed, in suugaan uu ku dhaliilay, kadib kolkii ay wasiiraddu “GUUL” u soo qortay Banaadir, cagsigana dadkeedi ay matalaysay ciyaaryoyda iyo taageerayaashii Reer Maayland dhiiggoodu uu qubanayo isbitaallada yaal, xitaa aanay oran “sidee tihiin,” bal ku digasho ay ugu dartay, oo kuwii rasaasta nool nool la dhacay dadkeedi ay matalaysay u hambslyaysay, taaso gafwayn ku ah malaayinta dulman Reer Maayland, lana arag dhacdada nuucaasi masuul ku dhaqaaqay dunidan casriga ah guudjeeda.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya u dhashay Reer Maayland ay Xaniifo siyaabooyin kala duwan ula xiriireen kana codsadeen bal inay soo dayso wiilka abwaanka dhallinyarada ah ay iyadu xiratay masuulkana u tahay, iyadoona laba-carrablaysay, marna ay tiri “ANNIGA IIMA XIRNA” marna ay ku hadaaqday “ANNIGA DHANKAYGA WUU KA FASAXANYAHAY” balse sidaan hiraanba warbixinada idin kugu sheegnay ay Taliyaha Ciidamada Xoogga Federaalka Soomaaliya (CXFDS) Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage u dhashay Salballaar ka codsatay inuu u xiro, haatana Xaniifo ay leedahay “TALIYUHU U XIRANYAHAY, DHANKAYGU WAA KA FASAXANYAHAY” taasoo caddaynaysa munaafiqnimada cad ee wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka federaalka Soomaaliya iyo sida dadkeedu ay ugu dhibaataynayso awoodda ay qowmiyaddu ku matasho kursiga ay ugu fadhido.

Sido kale, Xildhibaanadu maalintii shalay ahayd waxaa ay la xiriireen kusimaha taliyaha kulyadda milatariga difaaca Jaalle Siyaad urur 7-aad loo yaqaan ciidanka Libsade ee u abwaanku ka tirsanyahay G/LLe Sare Maxamed Xuseen Nuur oo u dhashay Reer Goodax Barre, waxaana uu ku jawaabay markii wax laga waydiiyay xarigga abwaanka, in “wasiirad Xaniifo uu u xiranyahay Abwaan Aarka Baydhabo isaguna uu amarkaasi siiyay taliye Odawaa Yuusuf Raage.”

Kulyadda difaaca Jaalle Siyaad oo ku taal Jidka Warshadaha magaaalada Muqdisho fadhina u ah ururka 7-aad ciidanka milatariga federaalka Soomaaliya loo yaqaan Libsade barta lagu xiray Abwaanka da’da yar Aarka Baydhabo, waxaa taliye ka ah sareeye guuto Jeneraal Qaboobe oo haatan xaalad caafimaad ugu maqan dalka Turkiga amar Alle laakiin!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here