Wafdi Ka Socda Madasha Xisbiyada Qaran Oo Maanta U Duulay Bardaale

0
203

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka ambabaxay Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoona kusii jeeda Degmada Bardaale ee Gobolka Baay iyo magaalooyinkela sida xudur iyo buurhakaba.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamanka fadaraalka Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur Madoobe, isla markaana waxaa  qeyb ka ahaa Guddiga Madasha Xisbiyada Qaran ee loo magacaabay gurmadka Fatahaadaha dalka.

Sidoo kale Wafdigan ayaa Degmada Bardaale gaarsiin doona gurmad loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaada Biyaha roobabkii dhawaan ka da’day degmadaas lacag gaarayso $30,000 Doolaar 600 qoys ee qoyskiiba $50 Doolaar. xudur 300 qoys ee qoyskiiba $50 Buurhakabo 100 qoys ee qoyskiiba $50

Warar la helayo ayaa sheegaya in wafdiga uu hogaaminayo gudoomiyihii hore barlabaanka fadaraalka soomaaliya mudene Sheekh Aadan Madoobe ay Bardaale iyo buurhakabo iyo xudur u wadan lacag gaareysa $50,000 oo Madasha Xisbiyada Qaran ugu talagaleen in lagu caawiyo dadkii ka barakacay Bardaale. iyo degaano kela oo dad dhiban jooga sida xudur iyo buurhakabo.

Si kastaba Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shalay deeq gargaar ah gaarsiisay dadkii ka barakacay Magaalada Baladweyne, isla markaana uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here