Wajiga 1aad & kan 2 aad ee qorshaha mudo kordhinta Farmaajo

0
40

Xogo qarsoodi ah oo soogaaray Muqdisho Online ayaa tibaaxeysaa in MW Farmaajo & dowlada maalgashatay ee Qatar ineey udiyaar garoobeen mudo kordhin loosameeyo Dowlada waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaamiyo MW FArmaajo.

waxaana loodiyaariyay laba waji hadii midka 1aad dhicisoowo in lagu dhaqaaqo midka labaad kaaso qof kasto soomaaliya uu raali ka noqonayo mudo kordhin loosameyo xukuumada farmaajo.

  1.  Wajiga 1 aad ee qorshaha mudo kordhinta ayaa ah in Raisal Wasaare Rooble uu kasbasho kusameeyo dhamaan saamileeda siyaasada iskana dhigo qof dhaxdhaxaad ah sida siyaasada  ahmed Abdi Kaariye Qoor Qoor  Madaxweynaha galmudug oo mucaaradkiisa ku qaabilay siyaasad dagan sidaasi si lamid ah RW Rooble wuxuu wadaa qorshihii Qoor Qoor ugu danbeentiina wuxuu baarlamaanka soomaaliya ka codsadnayaa mudo kordhin loosameyo xukuumadiisa.
  2. Wajiga 2 aad qorshaha mudo kordhinta ayaa ah in Soomaaliya ay dagaal toos lagasho Kenya sanadka cusub 2021 , xogo sirdoon oo la helaayo ayaa sheegayaa in xukuumada Nairobi  ay wax ka ogtahay qorshahaas isla markaasna ayku saacideyso MW Farmaajo inuu hello mudo kordhin isla markaasna uu jiro hishiis hoose oo kala dhaxeeyo kaaso Kenya usuura galineysa in ay xalaaleysato dhul badeedka soomaaliya, balse qubaro sirdoonka soomaaliya katirsan  ayaa qabta in MW Farmaajo weerarka uu ku qaadayo Kenya uu ku tashanayoo Ciidamada Ethiopia oo hadii lasoo jawiyo wuxuu isleeyahay cududa Eritrea & Ethiopia ku difaaceysa, balse MW Farmaajo kuma xisaabtamin hadii uu soo jabo dagaal uu lagalo Kenya in uu ku qasbanaanayo hishiisyo culus uula galo Ethiopia kaaso Soomaaliya mugdi ku tuuri karta dowladnimadeeda. balse MW Farmaajo & wakiilka dowlada qatar Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxeey rabaan dadka soomaaliyeed ineey ku dhahaan dalka dagaal ayuu ku jiraa doorasho malaqaban karo difaaca dalka halosoo baxo.

Quburada ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa Muqdisho Online u sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah , maadama CXDS ay tiro , taatiko, tababar, Taakuleen, & Saanad ku filan ay dagaal caalami ku galaan aysan heysan, Ciidankeena waxaa ka dhaxjira qabyaalad , cuqdad macquul ma ahan in ay dagaal waqtigaan adag ay gali karaan sido kale Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ayaa aaminsan in  Dowlad Soomaaliya in ay   gacanta ku dhigtay Sirdoonka Qatar waxaana u maamula wakiilkooda sare Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir , Si Soomaaliya waligeed ugu hoos noolaato gacanta Qatar isla markaasna qeyraadka Soomaaliya si bilaash ah ayku gurato waxeey fulinayaan qorsha walbo halis ku ah jiritaanka dowladnimada soomaaliya & madaxbanaanideeda

Soomaaliya maanta waxeey ubaahan tahay badbaado , halis ayeey kusocotaa , waa in lagu baraarugsanaado dhagarta loomaleegayo dalka . MW Farmaajo qolofkiisa & hadalkiisa ha u maleeynina wadani ama qof damiir soomaalinimo ku jirto , wa nin ay ku shaqeystaan Dowlado dana ka leh soomaaliya .

Hadii Soomaaliya dagaal ku qaado Kenya qasaaraha ka dhasho ma ahan mid laga soo kaban karo waqti dhaw, ma ahan in ay jirto awood Kenya oo soomaaliya baabi’in karto lkn waxaa Dowlada Soomaaliya si kaalmo uga hesho Dowladaha Ethiopia & Eritrea waxaa laga saxiixi doona hishiisyo halis badan.

Soomaaliyeed tashta qof kastana masuuliyadiisa haqaato, qabyaalad danta guuud ayaa ka horeeyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here