Wakiiladda Beesha Caalamka oo u yeeray Sheekh Shariif

0
69

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay wakaaladda wararka SMC ayaa daboolka ka qaadaya in wakiiladda Beesha Caalamka ay shir deg deg ah ugu yeereen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Shariif lagu balamiyey xarunta ugu weyn Saxiibadda caalamka ee Xalane.
Xogta ayaa intaas ku dareysa in shirkaas looga arrin-san doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan dhacdadii garoonka Muqdisho.
Xukuumadda Federaalka ah ayaa hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran waxay u diidey in uu u safro Kismaayo si uu uga qeybgalo caleema saarka Axmed Madoobe oo doorashadiisa ay kasoo horjeesatay dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here