War Baydhabo Naga soo gaaray xilli Qoor qoor Ka degay

0
48

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkasi uu ka degay wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Si heer sare ah ayaa loo soo dhaweeyey wafdigaasi waxaana kadib loo galbiyey gudaha Magaalada.

Shirka seddex geesoodka ah ee udhaxeeya Qoor qoor,Waare iyo Lafta gareen ayaana goordhaw furmi doona.

Warqaad ayaa warar ay heshay waxay sheegayaan in galabta ay seddexdaasi Mas’uul usoo duuli doonaan Muqdisho si ay shirka Berri Villa Soomaaliya ka furmaya uga qeyb galaan.

Amniga Baydhabo oo shirkaasi ka dhacayo maanta ayaa aad loo adkeeyey iyadoo isha lagu wada hayo khudbadaha ay jeediyaan madaxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here