War deg deg ah: Jaaliyada KOONFUR GALBEED oo dacwad ka dhan ah Farmaajo u gudbisey Maraykanka iyo haliska safarkiisa

0
240

Dacwad ka dhan Ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in la gudbiyey taas oo Culeys badan ku leh.

Jaalliyada Soomaaliyeed Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana ku dhaqan Dalka Mareykanka ayaa waxay sheegeen inay dacwad ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Safarkiisa New York ayaana la sheegay inay Dacwadaan kusoo beegeen,taas oo loo heysto inuu abaabulay rabashadihii dhiiga badan ku daatay December ilaa November Sanadkii hore Ee 2018-kii kana dhacay Magaalada Baydhabo.

Xilligaas oo ololaha Doorashada Koonfur Galbeed Madaxtinimadeeda loo tartamayey ayaa waxa jirtay in ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ay Shacab ku laayeen Magaaladaasi.

Hadaba Jaalliyada KGS Ee Deggan Mareykanka ayaa diyaariyey sidoo kale banaanbax ay kaga hortegayaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Wafdigiisa taas oo hadda la qaban qaabinayo.Waxay Ka dalban doonaan Madaxweyne Farmaajo inuu bixiyo diyada dadkii Baydhabo lagu xasuuqay Sanadkii hore oo ay Cadaalad Qoysaska Dhibanayaasha ah ubaahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here