War deg deg ah oo naga soogaaray yaaq biri wayne hoomeyda waxa saarnaa 11ruux qofkasta waxa lagu siidaayay 100$oo madax furasha ah

0
220

Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Gobollada Shabeellada hoose iyo Gobalak Bay ayaa ka sheeganaya Dhac iyo Kufsi joogta ah in ay wax laga qabanin ammaan darida ka jirta wadadaasi.

Gaadiidleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay qaati ka taagan yihiin Kuwa lamagac baxeen Macwiisleeda kuwaas oo lacago baad ah ka qaada gaadiileyda isticmaasho wadada isku xirta gobolka Shabeellada hoose iyo Bay, iyaga oo tilmaamay in Maleeshiyada Gaaljecel ay mararka qaar ay kula kacaan dhac iyo Kufsi dadka shacabka ah ee saaran gaadiidka.

Deegaanka Yaaq biri wayne oo gaari hoomey ahaa islamarkaana Saarnaa Dad Shacab ayaa lagu leexsadey Meel Duur ah Gaarigaas laleexsaday ayaa ku siijeeda magaalada baydhabo waxaa saarnaa 11ruux waxkufsi ah looma Geesan balse Shacabka saarnaa Madaxfurasho gaareeso $100 ayaa laga dalbaday marka ay uruur sadeen ayey Fasaxeen Gaadiidka.

Shalay waxaa Cisbitaal ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ku geeriyootay gabar yar oo 14 jir ah. Gabadhan ayaa u geeriyootay kufsi iyo jirdil u geysteen koox Macwiisleeda ee kusugan Yaaq biriweyne oo katirsan Degmada Wanlaween.

Gabadha Dhimatey ayaa waxaa lasocdeen laba kale oo haween ah ayaa la sheegay in kooxdan hubeysan ay kufsadeen kaddib markii ay kala dageen baabuur ay saarnaayeen inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Wanwaleyn.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya dhibaato ka geysata degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose ay talaabo sharci ah kaqaadi doona taas oo waxba kasuurtagalin amarka uu bixiyay 8 Apriil 2020 wuxuuna hakiyay Dagaalkii Dadka deegaanka ay kuxureenayeen isbaarooyinka Wadadaas loo mariwaayay.

Maamulka cusub ayaa tabar u weesan waxkaqabashada dhibaatooyinka Dhaca iyo Kufsida oo todobaadkan ku xoogeesteen deegaanada Yaaq biri weyne ee degmada Wanlaweyn inkastoo lasheego isbaarooyinka ay u yaalaan dad Madax sida uu sheegay Xildhibaan katirsan Hirshabeele oo loo garan ogyahay Kaladire xili uu wareesi siinayay Warbaahinta in kastoo ayna Mamuuqan wax ka qabashada Kufsiga iyo dhaca joogtada ah ee lagu haayo dadka wadadaas isticmaala hadii uu siisocoto Sababi Karto Dagaal hotel maadaama uu dagaalkii hore uu kubiloowday isbaarooyin Waxlaga qabanwaayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here