WAR DEG DEG AH:DUQEYMO LAGU HOOBTEY OO KADHACEY J-DHEXE IYO SH-HOOSE.

0
225

Wararka ka imaanaya Gobolada Jubada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay kadhaceen duqeymo Diyaaradeed oo kala duwan kuwaas oo lagu burburiyey labo xaruumood oo Dagaal yahanada Alshabaan kulahaayeen halkaas ayadoo kuwa kalana lagu qaarijiyey saraakiil katirsan dagaal yahanada alshabaab.

Bartilmaameedka 1aad ayaa lasheegey in uu kadhacey xaruun lagu aruurinayey maleeshiyo ladoonayey in ay weerar kuqaadaan deegaanada Jubaland waxaana lagu soo waramayaa in gebi ahaamba laburburiyey xaruuntaasi.

Duqeynta 2aad ayaa lasheegey in ay kadhacdey Xaruun 2dii bilood ee lasoo dhaafey lagu aruurinayey ciidamada Gaarka ah ee alshabaan kuwaas oo lasheegey in Qorsheynayeen Alshabaab sacaada soo socoda in ay ku weeyeraan Degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha hoose ila wareedyo kudhow dhow sirdoonka soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha alshabaab ay kor udhaafayeen 450 askari kuwaas oo alshaab tababaro gaar ah siinaysey.

sirdoonka soomaaliya ayaa sheegaya in alshabaab qasaare lixaadle gaarisyeen dowlada soomaaliya oo kaashaneysa qaar kamid ah saaxiibadeeda.

Dhanka kale Gacan yarihii Mahad Karataay ayaa lagu soo waramayaa in saacado kahor lagu qaarijiyey Deegaanka Haway Sargaalkan oo lagu magacaabo Daahir Macalin oo Cuteyba loo yaqaano.

Degmada Sablaalana waxaa caawa Duqeyn lagu diley kuxigeenka Sinaaca Alshabaab Axmed Nur iyo 4 askari oo ilaaladiisa waxaana lagusoo waramayaa qasaare dhaawac in uu jiro farabadan walow aan tirada la ogeyn.

Duqeymahan ayaa imaanaya ayadoo maalmihii lasoo dhaafay alshabaab ay bilaabeen in weeraro toos ah ay kageestaan deegaano katirsan jubaland iyo koonfur galbeed.

wixii kusoo kordha lasoco goor dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here