Wararkii ugu dambeeyay Shirka Villa Soomaaliya ka socda ee arimaha doorashooyinka

0
51

Magaalada Muqdisho waxa ka furmey shirka madaxda dowladda federaalka ah, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka shirka, sida lagu sheegey war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.

Wararka laga helaayo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in lagu heshiiyay in laga wada hadlo qodobadii soo baxay Dhuusa-Mareeb3.

Wararka ayaa tilmaamaya in maamulada Jubbaland iyo Puntland lagu qanciyay in ay dooda miiska soo saaraan, islamarkaana ay wadahal ka galaan qodobada ay kasoo horjeeddaan.

Waxaa sidoo kale labada maamul ay soo jeediyeen dhowr qodobo oo loo baahan yahay in laga badalo heshiiskii Magaalada Dhuusamareeb.

Qodobada ugu badan ee miiska saaran waxaa ka mid ah Guddiga doorashooyinka, Ergada, halka lagu qabanayo & Xisbiyada.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wadda qorshe ku aadan in doorashooyinka ay maamulaan guddi doorasho oo heer dowlad goboleed ah, islamarkaana ay soo Magacaabaan maamulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here