Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Beled Xaawo oo sii xoogeysanaya

0
31

 Weli waxaa rasaas xoogan laga maqlayaa degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland cabdirashiid Janan.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Beled Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha degmadaas, waxaana gubanaya guryo ku yaalla degmada Beled Xaawo.

Dagaalka ayaa sidoo kale lagu warramayaa inuu saameeyay xuduudka Kenya.

Dagaalka ayaa inta badan ka socda xerada ciidamada taabacsan Cabdirashiid Janan ee BP1, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar culus ku qaadeen xeradaasi, waxayna ciidamada dowladda la beegsadeen saldhiggaasi madaafiicda hoobiyeyaasha.

Wuxuu dagaalku saameyn ku yeeshay xuduudka Somalia iyo Kenya, siiba barta koowaad ee Border Point One, iyadoo rasaastu gaartay dhinaca Mandheera, Kenya. Waxayna ciidamada Cabdirashiid Janan ee taabacsan maamulka Jubbaland ay salka la galeen xuduudka Kenya.

Cabdirashiid Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa degan magaalada Mandheera, iyagoo halkaasi ka maamulaya dagaalka.

Dadkii Magaalada joogay ayaa isaga barakacay saakay hore, kadib markii ay dareemeen saan saanta colaada ka taagan Degmadaasi.

Ma jirto cid wali ka hadashay dagaalkaan, maadaama wali dagaalka uu ka socdk Magaalada Beled Xaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here