Wareysi BAYDHABO WELI WAY ILMEYNEYSAA LAMANA AAMUSIN!

0
112


maanta oo kale 13 Diseembar 2018 ayey eheed markii loo awood sheegtey Rabitaanka Shacabka Reer Maylanda kadib markii la hor istaagey damacooda oo ahaa in ay doortaan hogaamiyaha ay islahayeen wuxuu kajawaabi Doonaa baahiyahooda.
Dowlada Fadraalka Soomaaliya ayaa lasheegey in ay ka hormarisey rabitaankeeda kan Shacabka Reer Maylanda ayadoo Musharax gaar ah ujilba xirtey doorashadii kasocotey Magaalada Baydhabo.
hadaba xoog sheegasho iyo muquunin kadib waxey dowlada Fadaraalka Soomaaliya soo xirtey musharaxii ay is laheed wuu guuleysan.
loolan siyaasadeed iyo fagaare ka hadalkii Reer Maylanda ayaa mar qura isku rogey afgenbi melitery ka gadaal markii melitryga Ethiopia ee Mgaalada Baydhabo ee Casamada Kumeelgaarka ah joogey qafaasheen musharxii aqlabiyada baarlamaanka heestey.
waxaana la aqal geeyey musharaxii loo maquuniyey shacabkiisa wuxuuna ku fadhiistey kursi hoostiisa dhiigii Shacabka qulqulaya.
Hadaba xiritaankii Musharax Roobow oo laga joogo 2 sano weli hogaamiyaasha Reer Mayland kasoo jeeda waxaan la tuhun San yahay in qaarkood ay ku qanacsanyihiin xuriyad la’aanta walaalkood.
doorashooyin lamid ah tan Reer Mayland oo kela ka madhacey Galmudug iyo jubbaland waxaase Durba tabashadii ka dhalatey Galmudug xaliyey hogaankii ladoortey si kasta haku yimaadeed.
Laftagareen weli tabashadii dadkiisa maxalin.
BAYDHABO WELI WEY OYNEYSAA LAMANA MAQALIN YAA UMAQAN AYADA IYO MUWAADANKA GARDARADA KU XIRAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here