WARQAD FURAN KU SOCOTA SHACABKA KOONFUR GALBEED:

0
47

Waxaa is xasuusin mudan in dadweynaha asal ahaan u dhashay gobollada Koonfur Galbeed ay galeen halgan qaraar oo ay ku xoreysteen dhulkooda, ayna ku heleen madaxbannaani ay ku dhistaan maamul iyaga u gaar ah, inkastoo ay weli jiraan degmooyin fara badan oo ka tirsan gobolladaasi uusan maamulkii wada gaarin.

Walaalyaal:

Waxaan xusid mudan In maanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo axdiga lagu dhisay ay saldhig u tahay habka federalismka, taasoo micnaheedu yahay in gobollada dadka u dhashay ay maamushaan, aayahoodana ka taliyaan.

Hannaanka federaalismka waa arrin ay weligood u ololeynayeen odayaashii reer Koonfur Galbeed tan iyo xornimadoonka si dalka looga dhaqangeliyo hannaanka federaalismka, taasoo Soomaaliya oo dhan ay ku gaari karto sinnaan, caddaalad iyo nabadgelyo buuxda.

Walaalayaal,

Waxaan talo idinku soo jeedinayaa inaad garab istaagtaan maamulka hada jira oo aad xoojisaan, waayo maamul aad idinku gaar u leedihiin wuxuu furo u yahay hurumarka degaankiina iyo dadkiina, tusaale waxaa idinkugu filan walaalaha Puntaland iyo Soomaaliland oo runtii maanta ku amaanan hurumarka iyo nabada dadkooda.

Waxaay runtu tahay maadaama dowladda ay tahay mid xukun wadaag, inaadan xaqiina marnaba aadan ka heleeynin dowlada dhexe idinkoo gurigiina dhisan, tasoo aan ka wado inaan isku tashadaan, markaas bay dowlada dhexe awoodiina qaymeeynaysaa.

Waxaad degaan ahaan Ilaah gaar idinku siiyay degaan barwaaqo ah, tasoo ay qalad tahay inaad maanta ka baahan tihiin, sabantoo ah amaan daro ay abuureen siyaasad hormuud looga dhigay shabaab, waa inaad la dagaalantaan qolo kastaa oo dhib ku keeni karta nabada degaankiina iyo dadkiina.

Si arimahaan looga dhabeeyo waa inaad yeelataan shirar wada rashi oo ay iskugu yimaadaan dadka dibad iyo gudahaba, taasi waxay banaanka soo dhigeeysaa awoodiina, waxayna furo u tahay inaad qayb ka noqotaan dib u dhiska dowlad cadaalad iyo sharciga ku shaqaysa dalka Soomaaliya.

Sheiknor Abiikar Qassim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here