Wasiir Farmaajo Saaxiib la ah oo Diiday in uu ka qeyb-galo Shirka Wada-tashiga Puntland

0
82

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa la sheegay inuu ka baaqsaday shirka Wadatashiga Puntland ee lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Garowe.

Wasiir Jamaal ayaa ka mid noqon wafuudii shalay iyo maanta gaaray Garowe ee isugu jiray Wasiirada, Xildhibaannada iyo Senatarada ka soo jeeda Puntland ee uu Madaxweyne Saciid Deni isugu yeeray.

Jamaal oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay khilaafkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed iyo Madaxweyne Deni ee aakhirki dambe keenay in xilka laga tuuro Mr Dhoobo Daareed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here