Waxaa Degmada Xudur Si Nabad ah ku soo gaarey Gawaarida Saarnaa Raashinkii JBM.

0
43

Waxaa Degmada Xudur Si Nabad ah ku soo gaarey Gawaarida Saarnaa Raashinkii ay lahaayeen Ganacsatada Degmada xudur kuwaaso mudo Bilooyin ah ku Xayirnaa Degmada Ceelbarde waxana Wadada soo Mariyey Ciidamada Xoogga Dalka Kuwa Daraashiita Mayland.

Gawaari  urarneyd ganacsatada magaalada Xuddur ayaa sinabad gelyo ah maanta xuddur ku gaaray kaddib howgallo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka ay ka wadeen waddada isku xirta Xuddur iyo Ceelberde ee ka tirsan Gobolka Bakool.

Gawaaridan oo muddo ku xayirnaa magaalada Ceelberde ayaa si nabadgelyo ah loogu galbiyay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgallo waddo nadiifin ah ka sameeyeen inta u dhexeysa labada Degmo.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay in si nabadgelyo ah magaalada loo keeno gawaaridii u rarneyd, halka markii hore ay gaadiidka isticmaali jireen inta u dhexeysa deegaanka Qurac Joome iyo magaalada Xuddur.

Darawalada Gaadiidakaan ayaa ka baqdin qabay Al-Shabaab o go’doomiyay degmada xudurk, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada dowladda ay si awood ah ku geeyaan degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here