XAAJI AXMADDEEY XAAJI SULAYMAAN “REER MAAYLAND WAA IN AY CADOWGOODU U MIDOOBAAN

0
237

Wareegtada Saanqaadka Dunida SMC oo waddamo dhawr ah qaaradda Yurub ku soo martay ugu dambayntiina wariyihii waynaa qaranka Boqorka Bartamaha magaalada Darmstadt waddanka Jarmalka kula soo kulantay, ayaa saacadihii u dambeeyay hoygiisa ku booqatay agaasimihii hore lacagta wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare dowlladdii Maxamed Siyaad barre Mudane Xaaji Axmaddeey Xaaji Sulaymaan waaya-arag u dhashay Maayland daggan magaalada Eindhoven ee dalka Nederland galbeedka qaaradda Yurub.

Xaajiga oo wajigiisu shucuur waddaniyad ka muuqanaysay, waxaa uu ummadda Reer Maayland malaayiinta ah lagu foogganyahay uu ugu baaqay inay cadowgooda tirada badan ay u midoobaan daafacdaana dhulkooda nimcada badan leh si wadajir ah, iyado loo baahanyahay buu yiri “in sharafkii iyo karaamadii Maayland uu ku lahaa geeska Afrika dib loo soo celsho si gobanimo leh, taasoona uu tilmaamay, taa in lagu gaari karayo, kaliya Rabbi ka cabsiga iyo midnimo ku dheehan daacadnimo hor Alle.

Mudane Xaaji Axmaddey Sulaymaan oo ku nuuxnuuxsaday dhibaatooyinka siyaasadaysan ee ku habsaday ummadda Maayland aadna loogala diriro horumarada iyo inay iskooda u doortaan si dimoqoraaddi ah hoggaanka ay doonayaan sida madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13.12.2018 laga qafaashay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) si gardarra, waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wax shaqaynaya aanay ahayn kuwa qashinka ah wada kalagoynta Reer Maayland-ka halka aabbe iyo halka hooyo ay wada dhaleen, wax kama jiraana ay tahay ereyada siyaasadaysan ee ah “Reer Maayland waa isku keenkewn” taaso sirta ku duugan ay tahay inay isku jabiyaan kaladhantaaliddooduna ay uga faa’idaystaan awooddooda inay ku wiiqaan qabsadaana dhulkooda burwaaqada, taasoona loo baahanyahay buu yiri sancadduhu “Reer Maayland inay iska fahmaan dhagarahaasi laga soo shaqeeyay.

Macalin Mustaf Ibraahin oo isna u dhashay Maayland-ka wayne balaarano baaxadda leh, daggana isla magaalada Eindhoven ee waddanka Holland, ayaa cod dheer baaq uga diray shacabwaynaha Maayland, inay gacmaha iska qabsadaan noqdaana far iyo faraanti, taaso uu macalinku ku bidhaanshay, inay guushu u horseedayso.

Isagoo aayaadka Quraanka Kariimka uu daliilsanayo, Macalin Mustaf waxaa uu ugu naadiyay Reer Maayland inay iska arkaan colkooda dhan waliba kala dirirayo una kala waramayo shilimaad yarna into lagu kala dilo la doonayo in la baabb’iyo.

Guntii iyo gabangabadii, wareysiga oo ay warbaahinta Southern Media Co-Operation (SMC) sancaddayaasha Maayland ay ku wareysanaysay kamaraduhuna ee uu kala hagayay Wariye sare Eng. Maxamed Ibraahin Wadani, ayaa ku soo idlaadi jawi aad u heer sareeya, waxaana muuqaallada wareysiga halyeeyadan u dhashay JBM aad ku daawan doontaan dhowaan dhamaan mareegaha boggaga warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation in (SMC) ee uu hoggaaminayo wariye sare Yaasiin Abiikar afhayeenna uu ka yahay suxufi sare Maaxiye C/Nuur Yuusuf haddii uu Rabbigu aanu maya oran.

Se waxba ku qaadan maysaa wacdaraha adduunkuy, fadlan waydiiya waayewlka iyo culimada amar Alle laakiin!!

By: Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here