XALKA DALKA SOOMAALIYA WUXUU KU JIRAA IS BADAL IN LAGU SAMEEYO HAB DHISMEEDKA HOGAANKA DALKA:

0
219

XALKA DALKA SOOMAALIYA WUXUU KU JIRAA IS BADAL IN LAGU SAMEEYO HAB DHISMEEDKA HOGAANKA DALKA:

Mushkiladda ugu wayn ee dalka Soomaaliya ka jirtaa waxay tahay qabyaalad la siyaasadeeyay iyo is riix riix u dhaxeeysa laba beelood, tasoo ah in hogaanka dalka Soomaaliya ayku koobanaadaan beelo iyo jufooyin hoose, midaasoo dalka u hor seeday burbur iyo dib u dhac dhankasataa leh.

SIDEE BAA LOOGA BAXAA QABYAALADAAN LA SIYAASADEEYAY?

Waxaan aaminsanahay in la joogo waqtigii arinkaan foosha xun la badali lahaa ee dulmiga ku dhisan, waxayna ila tahay In lagu badalo sidaan:

1- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, Ra’isal Wasaarada Xukuumadda iyo Raisal Wasaare ku xigeenka u tartanmaan oo ay qabtaan beelaha Dir, Digilmirifle iyo beesha Shanaad. Fikirkaan siyaasadeed ee xal doonka ah waa suurto gal, waayo waxay sexda belood haaystaan cod bixin gaareeysa 157 xubnood oo ay dalka ku badbaadin karaan, waa hadii aqliga uu shaqeeyo.

Waxaa kaloo hubaal ah inay garab ka helayaan walaalaha wanaagsan ee ka dhashay labada beelood Darood iyo Hawiye oo doonaayo inuu dalka ka badbaado dhibkaan iyo foolxumada dalka uu maanta uu ku sugan yahay.

2- Labada Aqal ee sharci dejinta in lagu qasbo inay markooda ay qabtaan Darood iyo Hawiye, tasoo dan u ah dalka waayo waxaa meesha ka baxaayo is riix-riixa siyaasadeed ee labadaan belood ee dalka u hor seeday burbur iyo deganaasho la’aan.

3- In la dhiso maxkamad sare oo madax banaan, si looga gudbo inuu qof taliyo loona gaaro inuu sharciga taliyo.

4- Dib u heshiisiin dhab ah oo la dhex dhigo beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo gar wadeen ka noqda beesha shanaad iyo Digilmirifle.

Fikir soo jeedinteeyda waxaan u arkaa inay dan u tahay, Midnimadda, ku dhaqanka cadaaladda iyo sharciga, tasoo keeni kartaa deganaasho siyaasadeed oo dalkaan iyo dadkiisa lagu badbaadin karo.

Wa bilaahi Tawfiiq Sheekhnoor Abuukar Qaasim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here