XARIGGII GARDARADA AHAA WARIYE SARE NUUR ISMAACIILO SANAD KA SOO WAREEGTAY

0
149

Sanad kahor manta oo kale Hotel Muqdisho Guest House 2, Degmada CabdiCasiis anniga oo qado ufadhiya waxaa iiso galay Ciidan hubeysan oo watay 12 gaari iyagoo igu yiri waxaa nagala soo amray Madaxtooyada in an ku soo xirno ama ku soo dilno labadaas midkood. waxaan usheegay in aanan wax denbiya gelin arrintaasina qalad tahay kadib qaab afduub ah ayaa laygu soo kaxeeyay iyadoo laygu xiray xarunta CID kadibna waxaa lay diiday in ay isoo booqdan ehelkayga iyo saaxibadeey.

Markii xarunta CID la i geeyay waloow maalmo kadib xabsiga dhexe la ii gudbiyay oo isku dar 12 maalin sifo sharci darro ah an ku xirna waxa lay tusay warar an ku qoray Bartayda Facebook. oo la soo daabacay kuwaasi oo la iii sheegay in Madaxweyne Farmaajo Gudoomiyahii Gobalka Banaadir iyo R/wasaare Kheyre ka hurdi waayen oo aan loo baahneyn in la baahiyo warar aysan madaxda Dalka raali ka aheyn oo an la ogaleyn dhaliil iyo in aan wararka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka baahiyo anigana waxaan usheegay in an xaq u leeyahay in aan baahiyo oo dalka Democratic yahay sidaan doono wax iigu qor iyo guulwadeyn aanan qaadan karin taasina meel ka dhac ku tahay xoriyada aragtida iyo hadalka .

Dastuurka kumeel gaarka ayaa damaacad qaadaya Xorriyadda Ra’yiga iyo afkaarta qodobka 18 aad.

  1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho soo bandhigo rayigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo rayigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
  2. Xuriyatu qoolka waxaa kamid, xoriyadda hadalka, saxaafada iyo wax walba oo soogalaya warbaahinta elektaroonikada iyo internetka.
  3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed xoriyadiisa aqooneed iyo xoriyada cilmi baaris.

Laba iyo toban maalin oo aan sifo sharci darro ah ku xirnaa sanad kahor maanta oo kale waxaan ilaabi karin Xildhibaanadii magacyadooda halkaan aan ku soo koobi karin ee habeen iyo maalin u taagna sidaan xuriyadayda dib ugu heli lahaa iyo booqashadooda joogtada.bahdayda Saxaafada Ururada Bulshadda Rayidka fanaaninta Xisbiya Qaran Safaaradaha dalalka caalamka qaar iyo shacabka sideey ugu dhiidhiyeen dulmigaas.

Maamulka Madaxweyne Farmaajo wuxuu caadaystay xarig, caburis, cagajugleys qaybin iyo laalush lagula kaco warbaahinta iyo wariyayaasha taaso lagu yaqaan maamulada kaligiis taliska ah.

Hanjabaadyo isdaba joog ah oo isoo gaaray oo ku saabsana in la dilaayo hadaanan guulwade noqon kadib waxaan isaga soo tagay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here