Xaruntii Ex Baarlamaan oo laga dhigayo goob loo dalxiis tago (Daawo Sawirada)

0
24

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismah xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Cumar Filish ayaa sheegay in ujeedka xaruntan loo dhisayo ay tahay si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.

Waxa uu sheegay Cumar Filish in maamulkiisa diyaar u yahay dib u dhiska xarumaha taariikhiga ah ee kuyaala magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan bilicda caasimada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here