XASAASI: Farmaajo iyo Madoobe oo si dirqi ah ku kala badbaaday(Gacan ka hadal)

0
42

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilwareedyo muhiim ah, Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirka ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Tallaabadani oo uu xalay qaaday madaxweyne Madoobe ayaa dadaallo ay sameeyeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland kaddib ay suurtagashay in shirka dib uu ugu soo laabto.

Arrinta ugu weyn oo ay isku hayaan dowladda iyo Jubbaland ayaa ah gobolka Gedo, oo xukuumadda FS ay ciidamo ku daabushay dhowr jeer.

Sida xubno ka ag dhow shirka ay shabakadda Warqaad ugu xog warrameen Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegay in uusan wax gorgortan ah ka galaynin gobolka Gedo, oo dastuurka uu isagu hoos geeyay.

Xaaladda ayaa aad u sii cakirantay xalay, markii madaxweynaha Jubbaland uu shirka ka baxay, wallow dib loogu soo celiyay madasha shirka haddana, ma jiro wax xal ah oo laga gaaray sababtii uu shirka uga baxay xalay Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here