Xasan Kheyre & Farmaajo oo qadka taleefanka kuwada hadlay, Maxay kawada hadleen?

0
43

Habeenkii Khamiiska oo jimcaha soo galeeysay,  xiliga waqitiga  danbe ee Muqadisho, waxaa qadka taleefanka kuwada hadlay Xasan Cali Kheyre iyo Madxaweyne Farmaajo. Kulankaas oo qaatay in ka badan saacad ayaa la sheegayaa  in uu daba-socday wadahadalo maalmihii u danbeeysay u socday labada nin.

Ilo lagu kalsoon yahay oo aad ula socda wadahadalka Farmaajo iyo Kheyre ayaa u sheegay SMC in  maalmihii u danbeeysay uu u socday  labada dhinac wadahadal la xiriira doorshada lagu wado in ay ka dhacdo dalka  bilaha fooda nagu soo haya.

Xasan Kheyre oo si farsameysan looga ceyriyay mas’uuliyidii Ra’iisal Wasaaranimada dalka, ayaa dad badan rumeysan yihiin in isaga iyo Farmaajo uu ka dhaxeeyo xiriir hoose oo lagu qaldayo shacabka iyo mucaaradka dowlada.

SMC wali ma helin xogta rasmiga ee kulankii habeenkii Khamiista ay kawada hadleen Farmaajo iyo Kheyre, laakiin waxa aan shaki ku jirin in labada dhinac si hoose uwada xiriiraan.  Xasan Kheyre ayaan wali ka hadlin dhibaatada loo geystay shacabka Soomaaliyeed, inta uu xilka hayay.

Waxaana muuqata in Kheyre uu ka leexday in uu eedeeyo Farmaajo iyo maamulkiisa. Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay si-wadajira u dhaceen hanti umadda Soomaaliyeed loogu dhiibay, sidaas darteedna uu Kheyre marnaba ka hadli karin hogaanka Farmaajo iyo dhibka uu gaystay.

Dhanka kale waxa jira wada-hadalo ay siwadajira u wadaan dowlada Qatar, Tukriga kuwaas oo lagu doonaya in Xasan Kheyre uu  dib ugu biiro Farmaajo, kuna caawiyo in uu taageero musharaxnimada Farmaajo.

Dhawaan waxaad naga filataan qormo  gaar ah oo aan uga hadleyno wadahadalada u dhaxeeya Farmaajo iyo  Fahad oo isku dhan ah iyo Xasan Cali Kheyre oo dhanka kale ka soo jeedo, iyada sida loo jahawareerinayo mucaaradka Farmaajo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here