Xiisada Masar & Itoobiya oo kacday markale, iyo Safiirka Itoobiya ee Masar oo su’aalo la weydiiyay

0
28

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa Arbacadii waxay u yeertay danjiraha Itoobiya u jooga Qaahira si uu sharaxaad uga bixiyo hadalo kasoo yeeray Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya.

Hadalada afhayeenka ayaa “daarnaa” arrimo gudaha Masar, ayay wasaaraddu tiri, iyadda oo aan bixin tafaasiil intaas kasii badan.

Illaa haatan ma cadda hadaladda ka cayreysiiyey Masar. Sidoo kale, mas’uuliyiinta Masar waxay aysan fahfaahin ka bixin waxay yihiin hadaladda.

Telefishinka Al Jazeera ayaa wariyey in Dina Mufti, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, uu ku weeraray Masar in ay dhaleeceyso mashruuca biyo xireenka oo uu xusay in uu xal u keenayo dhibaatooyin badan.

Hasa ahaatee, illaa haatan ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya fasiraadda ay Al Jazeera ku sameysay hadalka afhayeenka.

Wadahadalo u dhaxeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa fashilmay markii dhinacyadda is-faham ka gaari waayeen buuxinta biyo xireenka Nile kaasoo Addis Ababa sheegeyso in ay ka dhalineyso koronto gobolka anfacda.

Masar oo 90% ku tiirsan biyo-xireenka ayaa ka cabsi qabta in ay waydo saamigeeda, balse waxaa walaacaas meesha ka saartay Itoobiya oo ku adkeysatay in biyo-xireenka uusan waxyeelan doonin socodka biyaha webigan taariikhiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here