Xildhibaanada cusub ee Koofur Galbeed oo maanta la dhaarinayo

0
4

Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa 95 mudane, kuwaasi oo maanta la dhaarin doono.

Guddiga soo xulista ee xildhibaanada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maanta la dhaarin doono magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xili tabashooyin badan laga muujiyay qaabka loo soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here