Xilku Waa Meerto, Laakiin Taariikhdu Ma Tirmeyso.

0
551

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Waa Gudoomiyaha Degmada “Wanlaweyn” Ee Gobalka Shabeelada Hoose, Caawa Xitaa Hadii Xilkiisa Gudoomiyenimo Laga Qaado Uma Ciil Qabo, Mudadii Uu Gudoomiye Ka Ahaa Degmada Walaweyn Wuxuu Ka Faaideystey Wakhtigiisa, Wuxuuna Si Xilkasnimo & Daacad Ay Ku Jirto U Gutey Xilkiisi Masuulnimo, Taasina Waxaa Markhaati Ka Ah Dhamaan Bulshada Ku Nool Gobalka Shabeelada Hoose, Gaar Ahaan Bulshada Degmada Walaweyn Iyo Deegaanada Kale Ee Hoos Yimaada. Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Hadii Xilkiisa Sidan Uu Ku Waayana Wuxuu Ka Tagaya Taariikh Aysan Ilaawi Doonin Bulshada Gobalka Shabeelada Hoose, Gaar Ahaan Degmada Wanlaweyn & Deegaanada Kale Ee Hoos Yimaada, Hadii Shaqadiisa Markale Loo Igmadana Wuxuu Laba Jibaari Doona Shaqadiisi Bulshada Ree Wanlaweyn Ay Ku Amaaneen. Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Waxaa Shaqadiisa Looga Fadhiisiyey, Daacadnimada Uu Bulshadiisa Ugu Adeegaayey & Inuu Diidey Isbaarooyinkii Sharci-Darada Ahaa Ee Degmada Wanlaweyn & Deegaanada Hoos Yimaada Yaaley Ee Lagu Baadi Jirey Shacabka Soomaaliyeed Ee Ku Safra Gobalada JBM & Magaalada Mogdisho.

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Kama Qeyb Gelin Dagaalkii Labada Beelood Ee Walaalaha Ah Ee Deegaanka Ku Dagaalamay. Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Waxaan Ku Tilmaami Karnaa Inuu Ahaa Gudoomiyahii Ugu Shaqada Badnaa Degmooyinka Gobalka Shabeelada Hoose, Uguna Mudada Dheera, Uguna Wax Qabadka Badnaa. Dhibaatada Ka Taagan Gobalka Shabeelada Hoose Waxaa Masuul Ka Ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali “Najax” Isbaarooyinka Yaala Gobalka Shabeelada Hoose Waxaa Dhigtey Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali “Najax”. Sababta Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Shaqadiisa Looga Joojiyeyna Waa Diidmada Uu Diidey Isbaarooyinka Gudoomiyaha Gobalka Uu Dhigtey Degmada Wanlaweyn & Deegaanada Hoos Yimaada.

Ninka Mudan In Xilka Laga Qaado Waa Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali “Najax”. Madaxweynaha Dowlad JBM Mudane C/Casiis Lafti-gareen Waxaan Ugu Baaqaya Inuu Gobalka Shabeelada Hoose Uu Tago Islamarkaasna Uu Dhageysto Tabashada Bulshada Ku Nool Gobalka Shabeelada Hoose. Mudane Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Gobalka Shabeelada Hoose Qofka Kaliya Ee U Qalmo In Gobalka Shabeelada Hoose Gudoomiye Looga Dhigo Waa Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn Mudane Maxamed Siidow Cabdiraxmaan. Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Xitaa Wuxuu Diidey In Ganacsatada Degmada Wanlaweyn & Tuulooyinka Hoos Yimaada Degmada Canshuur Laga Qaado.

Mudane Madaxweyne Fadlan Iyadoo Aan La Fiirineynin Qabiil Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose Haloo Magacaabo Gudoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Waa Hadii Gobalka Shabeelada Hoose Nabad & Xasilooni Laga Doonaayo. Mudane Madaxweyne Gobalka Shabeelada Hoose Hadii Hogaan Wanaagsan Loo Helo Waxaa Yaraanaya Cadowga JBM . Maxamed Siidow Cabdiraxmaan Gudoomiye Halyeey Taariikhda Baal Dahab Ah Kaga Jira. “Markale Maahmaahdii Ahayd “Waraabe Haduu Xaakim Noqdo Arigu Xuquuq Maleh”. Mahadsanidiin.

W/Q: Hon Hassan Ali Noor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here