Xisbiyada dalka oo ka horyimid war murriyeedkii Dhuusamareeb

0
113

Qaar ka mid ah xisbiyada ka jira dalka sida UPD, Wadajir, Ileys,Horusocod Qaran iyo Nabadda ayaa si xoog leh ugaga soo horjeestey War Murtiyeedkii laga soo saaray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal ka soo baxay xisbiyadan ayaa lagu xusay in qodobada war murtiyeedka shirka ay ka mid yihiin in dowlada federalka ay dhisto guddiga farsamada maamul dhisida dowlad goboleedka Galmudug isla markaana ay dowladu sameyso sharciyo adag oo lagu soo xulayo xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xisbiyada Siyaasada ayaa ku tilmaamay in qodobo laga soo saaray shirka lagu soo gunaanaday Dhuusamareeb ay yihiin kuwo khilaafsan hannaanka federaalaynta dalka,

Qoraalka ka soo baxay xisbiyada siyaasada ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay ka waantowdo afduubka ay u geysanayso doorashooyinka Galmudug iyo in Maamulka dowlad goboleedka Galmudug loo daayo soo xulista guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Galmudug.
Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Xisbiyada Siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here