XOG: Abaabul ka socda Villa Somalia & Qorshaha magacaabista Wasiirada cusub oo..

0
54

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dorraad socdaal ugu ambabaxay dalka Kuwait ayaa xalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya, in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu damacsan yahay saacadaha ama maalmaha dhow inuu ku dhawaaqo magacyada golihiisa Wasiirada oo madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday inuu si deg deg ah u magacaabo.

Ra’iisal wasaaraha oo tan iyo magacaabistiisii waday la tashiyo ku aadan hanaanka uu u marayo magacaabista, ayaa wararku waxay sheegayaan inuu soo dhammeystiray latashiyadii uu waday,islamarkaana kaliya u harsan tahay inuu shaaciyo golaha Wasiirada cusub.

Rag abaabulan oo ka tirsan madaxtooyada Somalia, ayaa wada qorshe rag xiriir la leh Villa Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaarinayo iney ka mid noqdaan xildhibaanada cusub ee doorashada soo socota si mar kale madaxweyne Farmaajo u soo doortaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Kuwait uga qeyb gelay tacsida iyo ducada amiirkii dalkaas Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Mareykanka.

Maxamed ayaa shalay booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax, isaga oo gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Marxuum Sabaax Al-Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here