XOG Al Shabaab oo qafaalatay xubno ka tirsan qoyska Mukhtaar Roobow

0
453

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in degaanka Abal ee gobolka Bakool ay ka kaxeysteen xubno ka tirsan qoyska Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.
Xogta la helayo ayaa intaasi raacineysa in dadka ay Shabaabku wateen ay tiradoodu gaareyso illaa iyo laba ruux, kuwaasi oo kamid ah qaraabadda Roobow laguna magacaabo Maadey iyo Mad-nuur.

Labadaan shaqsi ayaa la sheegayaa in ay kamid ahaayeen dadkii Xudur kaga qeybgalay soo dhaweynta ra’iisul Wasaare Khayre.

Illaa iyo haatan ma cadda halka loo watay dadkaasi, oo da’dooda ay u dhaxeyso 30-sano jir illaa iyo 25, sidda la sheegay.
“Labadooda ma aysan waddan wax hub ah. Balse, waxaa la xaqiijiyey in ay Al-Shabaab wateen markii ay duleedka tuuladda u aadeen in ay soo guraan qoryo,” ayuu yiri qof magaciisa ka gaabsadey.

Degaanka Abal oo ah halka uu kasoo jeedo Abuu Mansuur ayaa waxay u ahayd saldhigiisa ugu weyn tan iyo markii uu Al-Shabaab isaga soo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here