XOG: Amar Lasiiyey Saadaq Joon & Cali Yare (Khilaaf Joojinta Banaanbaxa}

0
92

Dawlada Soomaaliya ayaa shirar dhowr jeer la isku yimid ilaa shalay galab waxa yeeshay Mas’uuliyiinta qaar balse go’aano rasmi ah lama gaarin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalbaday in xal walbo oo lagu hor istaagi karo banaanbaxa,balse waxa taasi ka hor yimid in Awood la la adeegsado.

Cali Yare Cali,oo ah Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Saadaq Joon oo ah taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo xilsaaray joojinta Banaanbaxaasi.

Amar la siiyey ayaa jira Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho,si loo hor istaago dadka isku soo baxaya oo ciidamo lagu daadiyo Caawa inta badan Caasimada.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo Xilka Xafiiska Farmaajo ka dhamaaday ayaa lasoo sheegayaa in ay kulan ugu dambeyn go’aano kasoo saari doona waxa laga yeeli doona Dibad baxa Berri Jimcaha Daljirka Dahsoon la iskugu tegayo.

Xaalka Caasimada ayaa umuuqda mid cabsi ah dadka badankood ayaa ku kala jabay inay tegaan Banaanbaxa oo qaar ay ayideen kuwana ay Amnigooda awgeed uga baaqsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here