XOG: Beesha Caalamka oo doonaysa in Jadwalka Doorashada aan laga leexan, cadaadisna ku saaraysa Doorashada Aqalka Sare.

0
105

Sida ay tabisay Warbaahinta ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, wakiilada caalamiga ah ee Soomaliya ayaa xooga saaraya sidii ay waqtigeeda ugu qabsoomi lahayd doorashada dalka, oo ay horey ugu heshiiyeen dhinacyada siyaasadda ee gudaha.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska siyaasada QM ee xaruntooda ku taalla Xalane ee Muqdisho ayaa  sheegay in lagu amray Wakiilada QM u qaabilsan Maamul-Goboleedyada in ay xiriir la sameeyaan Guddomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Ujeedka xiriirka ayaa ah in QM ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gudagalo dadajinta hanaanka doorashada ee 2021, kas oo ah dhabihii ay horey ugu heshiiyeen darafyada siyaasadeed loona soo dhaweeyey.

Sidoo kale waxay sheegtay Warbaahinta in lala wadaagay xogta ah in Xafiiska Siyaasada ee QM uu Guddoonada Baarlamaanada Maamul-goboleedyada diyaar ula yahay bixinta dhammaan lacagaha ku baxaya Doorashada Senatka.

Wararka la helayo waxaa ay intaa ku darayaa in toddobaadkan gudihiisa la filayo in Garowe iyo Kismaayo ay tagayaan Wafdi ka socda QM gaar ah arrimaha Siyaasada (UN political Office in Mogadishu), si xal loogu helo tabashada labadaasi Maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here