XOG: DENI oo ku soo biiray loolanka loogu jiro xilka R/wasaaraha lana hadlay FARMAAJO dahir

0
132

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo Khadka taleefanka kula hadlay madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay arrimo ay mid yihiin soo xulista xilka R/wasaaraha Soomaaliya iyo shirka la filayo in 15-ka bishan lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ilo xo ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa inoo sheegay in madaxweyne DENI oo Khadka taleefanka ka wacay madaxweyne Farmaajo kalana hadlay xaaladda guud ee dalka,isagoo doonaya inuu saameyn ku yeesho soo xulista shaqsiga loo wado in loo magacaabo R/wasaaraha dalka.

Sida aan xogta ku helnay, Siciid C/llaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa wada qorshe uu ku doonayo in xilka R/wasaaraha loogu magacaabo siyaasi uu gadaal ka riixayo, kaas oo ka soo jeeda Beesha Habargidir.

Wuxuu ku biiray madaxda maamul goboleedyada doonaya in xilka R/wasaaraha loo magcaabo Hanad C/llaahi Cadow oo looga yeeray dalka dibadiisa,islamarkaana saadaasha ay sheegeyso in xilkaas madaxtooyada ay la damacsan tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wada dadaalo uu ku xulanayo shaqsiga uu u magacaabayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya ka dib markii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre ayaa cadaadis xooggan kala kulmay qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu tunka weyn.

Beesha Hawiye ayaa awood qeybsi ahaan u leh in laga soo xulo R/wasaaraha,balse madaxweynaha waxaa dalab adag u gudbiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoor Qoor”,kaas oo ku aadan in xilka R/wasaaraha loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Galmudug gaar ahaan Beesha Habargidir, isagoo gacanta u geliyay CV-ga labo xubno oo uu Qoor Qoor wato.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wada qorshe xilkaas loogu magacaabo Siyaasi ka soo Galmudug gaar ahaan Beesha Galmudug, kuwaas oo la ka mid ah magacyadooda loo gudbinyay madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee Ganacsida Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa isagana qeyb ka ah xubnaha loo saadaalinayo xilkan,waxaana wareysi looga yeeray madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga siyaasiga loo magacaabayo xilka R/wasaaraha oo siyaasiyiin badan u ordayaan,iyadoo madaxtooyada ku mashquulsan tahay kala xulashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here