XOG: Dhoobo oo bahdilay wasiiro ka socda Deni shuruud-na ku xiray heshiis

0
84

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa kulamo looga horjeedo Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni) ka bilaabay gudaha gobolkaasi.

Kulamadan ayaa yimid, kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland khamiistii la soo dhaafay ay xil ka qaadis ku sameeyeen Dhoobo Daareed.

Sidoo kale, kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa qeyb galaya odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan aayahooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid kacsan, kadib markii ay xiisado hor leh ka dhasheen xil ka qaadistii lagu sameeyey, Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dhoobo ay u tageen wasiiro ka socda Deni kuwaas oo wada xaajood ugu tegay, isaga oo u sheegay in marka hore xukuumadda raaligelin ka bixiso wixii dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here