XOG: Fahad Yaasiin oo safar qarsoodi ah ku tegaya Jowhar, (Ujeedka & Macluud laga helay)

0
60

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Nabad sugida Qaranka ayaa u sheegay Shabakadda SMC, in Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu maalmaha soo socdo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin u tegayo Jowhar sidii uu u dhammeystiri lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo dardar gelinta arrimaha doorashooyinka.

” Safarka Fahad Yaasiin wuxuu qaadan doonaa maalmo kooban,inta uu joogana wuxuu kulan la qaadan doonaa Odayaasha Beelaha Hirshabeelle iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Nabad sugida oo qariyay magaciisa,”.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si buuxda ugu lug leh Doorashada maamulka Hirshabeelle, wuxuuna Muqdisho ku diyaariyay Liiska Xildhibaanada labaad ee maamulkaas, kuwaas oo maalmo ka hor Faaylkooda la geeyay magaalada Jowhar si loo shaaciyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa iney madaxweyne ka dhigto Cali Guudlaawe oo saameyn muuqata ku leh gobolka Shabeellaha dhexe, taas oo muran badan dhalisay, waxaana wali maqan qaar ka mid ag Odayaasha gobolka Hiiraan oo saluugsan hanaanka ay wax u socdaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here