XOG: Go’aanka A/Madoobe & DENI ee shirka uu markale iclaamiyay MD Farmaajo

0
62

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday in ay ka soo qeyb galaan shirar dhowr ah oo ku baaqay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ka kala dhici lahaa magaalooyinka Garowe iyo Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay mar kale shir lagu dhammeystirayo tallooyinkii ay soo jeediyeen guddigii farsamo eek u shiray Bayhabo ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Maamulada Taabacsan Dowladda Federaalka intooda badan waxay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, balse waxaa shaki ka jira in ay baaqayaan ajiibayaan iyo in kale madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horay uga diiday madaxda DF shirar ay iclaamiyeen.

Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in shirkan ay sheedda ka eegeyso beesha caalamka,islamarkaana Axmed Madoobe iyo DENI lagu qasbayo inay yimaadaan Muqdisho si isfaham looga gaaro khilaafka jira.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo bandhigay shuruudo adag oo ay kaga qeyb geli karaan shirka, kaas oo fulintiisa ay ku adag tahay madaxtooyada SOomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here