XOG: Gudoonka BFS oo xayiraad dhaqaale kusoo rogayo in ka badan 100 Xildhibaan

0
105

Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa waxa uu ka fekerayaa xayiraad dhaqaale oo uu kusoo rogo in ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan xeer-dejinta, sidda uu ogaadey Badweyn.

Mudaneyaashan oo isugu jira kuwa mucaarad ah iyo muxaafad ayaa lagu haystaa in ay maqnaadeen tiradii ugu bad-neyd, waxaana ku jira qaar aanan soo xaadirin fadhiyadda Golaha tan dhaarintooda.

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in xayiraadda dhaqaale ay tahay in aysan wax mushahar ah qaadan doonin, maadaama ay bilooyinkii lasoo dhaafay oo idil si toos ah u heli jireen gunnooyinkooda.

Mudaneyaasha ayaa qaarkood waxay jiraan dibadda, halka qaarkood ay ku sugan yihiin caasimadda, ayna wataan dano gaar ah, taasi oo baalmarsan dastuurka qabyadda ee dalku leeyahay.

Sikastaba ha haataee, talaabadan ayaa waxay noqon doontaa markii ugu horeysay, hadii ay dhaqan-gasho,  inkasta oo la sheegayo in ay noqon doonto mid aanan si degdeg ah loosoo saari doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here