XOG: Hal arrin oo soo dedejisay fashilka Kheyre, saaxiibo badana ku waayay

0
98

Dadka siyaasadda gorfeeya ayaa waxay sheegayaan in saaxiibo badan ay garabkiisa ka baxeen Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal wasaarihii kalsoonida lagala noqday,taasina ay sabab u ahayd guushii laga gaaray ee lagu eryay.

Dadka qaar ayaa isweydiinaya sida ay ku dhacday in si fudud Kheyre meesha looga saaro,iyadoo la ogyahay inuu sabab u ahaa guulo badan iyo shirqool badan oo ay dhigtay Xukuumadda Nabad iyo nolol sameysay.

Markii uu lahaa doorashadu waa in aysan dib u dhicin waxaa muuqatay inuu tumayay muusik aanu jeclaysan madaxweynaha iyo saaxiibadii, waxaa la is lahaa, haddii ay madaxwaynaha is qabtaan, ugu yaraan wuxuu helayaa saaxiibo badan oo Baarlamaanka iyo Xukuumadda ku jira oo isgarab taagi doonaan, taasi ma dhicin maalin cad ayaa laga adkaaday, sidii ay wax u dhaceen waxay ku tuseysaa in aan la isku halayn karin siyaasada Soomaaliya, oo xaaladu tahay “siyaasadu saaxiib joogta ah ma laha, ee dan joogtaa ayeey leedahay”

Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala laabteen R/wasaare Xassan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa Sebtidii, waxaa  iska soo daba dhacayey baaqyo ka imaanayey dhinacyo kala duwan oo dhaliilaya habkii loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, waxaanna ay dhinacydaasi ku tilmaamayaan sidii ay wax u  dhaceen in ay ahayd hannaan baal-marsan datuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Dowladda Maraykanka, Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada ka falceliyey kalsooni kala noqoshada RW-ha, waxaanna dhinacyadaasi ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada fashil ku yimaada heshiiskii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu  ay ku gaareen Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu gadaal ka riixayay qorshaha lagu riday Xukuumadda Kheyre,isagoo ka carooday qorshaha Kheyre ee uu mucaaradka ku taageerayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here