XOG: Khilaaf adag oo ka dhex jira Lafta-gareen & Mursal +(Muudeey oo dhinac la saftay)

0
38

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdi-casiis Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ay isku heystaan xubnaha Guddiga Doorashooyinka K/galbeed ee uu dhawaan magacaabay Cabdi-casiis Lafta-gareen.

Sida wararka ay sheegayaan, Guddoomiye Mursal ayaa ka biyo diidan xubnaha uu soo gudbiyay Lafta-gareen, maadaama laga soo tegay qaar ka mid ah magacyada xubnihii uu isaga gudbiyay ee uu doonayay in loogu daro liiska xubnaha la soo magacaabay.

Dood adag ayaa ka taagan hadda xubnahaas, waxaana Lafta-gareen uu ku qanciyay guddoomiye Mursal in saddexda xubnood ee ka imaanaya Federaalka uu xubno ku yeelan doono,islamarkaana tabashadiisa sidaas lagu xalin doono.

Sidoo kale, xubnaha qaar ee uu soo gudbiyay Cabdi-casiis Lafta-gareen ayaa magacyadooda la isku qalday, waxaana hadda muran uu ka taagan Labada qof ee loo kala sheegay in liiska lagu soo darayo.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudeey ayaa ka biyo diidan xubnaha K/galbeed ka yimid ee Guddiga Doorashooyinka, wuxuuna carabka ku dhuftay inaan loo soo xulin si cadaalad ah.

Lafta-gareen ayaa maalintii Khamiista ahayd soo magacaabay guddiga Doorashooyinka K/galbeed, kuwaas oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro waxbartay oo wax badan ku soo kordhin kara doorashada dalka waa sadey hadalka udhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here