XOG. Khilaaf kadhashey Is hor istaag lagu sameeyey Teliyaha NISA safar uu ku aadi lahaa Qadar

0
27

ilo xog ogaal ah oo kusagan villa soomaaliya ayaa tibaaxaya in is hor istaag lagu sameeyey safar uu ku aadi lahaa Dalka Daqar, Teliyaha NISA Fahad yaasiin Xaaji Daahir.

Teliyaha ayaa lasheegey in uu doonayey in uu ku baxo safar qarsooda ah hase yeeshee la ogaadey loona gudbiyey MD Farmaajo.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka oo aad ugu far dhuudhuuban xiriirka dibada ayaa lagu soo waramayaa in uu kashifey saxiibkiisa Fahad Yaasiin oo shaqo wadaagta yihiin, waxaana arintaas ka caroodey MD farmaaj oo shaki ka muujiyey safarka aan loo sheegin.

arintaan ayaa dhalisey ismaan dhaaf,  waxaana warar hoose sheegayaan in Teliye Fahad Yaasiin Xariir laleeyahay Cabdikariin Guuleed iyo Xasan Cali kheyr uuna doonayo in uu ka soo gado dowlada qadar si ay umaal geliso dhoorka musharax ee la filan karo in ay soo baxaan.

Dhinaca kale Col. Cabdullahi Dheere Teliyaha Hogaanka Dabagalka oo laheyb ah madaxweyne Farmaajo si weyna qeyb ugu ahaa ololihiisa dib Doorashada ayaa cadaadis lagu saarey in uu dhexdaxaad ka noqodo doorashada madaxtinimo ee dalka kadhici doonta.

Dowlada Mareykanka oo lagu Xagliyo in uu wakiil uyahay Col. Dheere ayaa lasheegey in ay amar kusiisey in uu dhexdhexaad ka noqodo arimaha siyaasada soomaaliya.

Kulan qarsoodi ahaa oo dhex marey MD Farmaajo iyo RW hore Xasan Cali Kheyre 3dii bishan diseember ka dhacey Qasriga madaxtooyada  ayaa la fahamsanyahay in uu gar wadeen ka ahaa teliyaha hogaanka dabagalka oo markiisii hore ku dhacsanaa Xasan Cali Kheyre.

kulankan oo Dhacey gelinkii danbe habeenkii qamiista ee lasoo dhaafey  ayaa la’aamin sanyahay in uu ku soo dhamaadey is fahan.

Musharax Kheyre ayaa wali lafahamsanyahay in uusan ka fogeyn saaxiibadiisii hore isagoon iska ilaaliya fagaare kahadalkii lagu yaqiiin iyo in uu dhaliilo hab dhaqanka dowlada hada jirta.

Tadobaadkii hore ayey eheed markii musharaxiinta mucaaradka tuhmeen Labo musharax oo uu kamid ahaa Kheyre kuwaas oo lagu eedeeyey  in ay gudbiyaan xoga kusaabsan shirkii musharaxiinta mucaaradka ah.

lama oga xaalku sida uu noqon doono waxaana iska caadi ah in ay kala tagaan saxiibada siyaasada xilayada kala guurka lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here