XOG: Lafta gareen Oo Go’aankiisa Diiday Inuu Ka Laabto & Odayaal Careysan

0
369

Kulamo lagu kala tegay ayaa labo jeer oo hore ka dhacay Magaalada Baydhabo,waxaana kulamada yeelanayey odayaasha Dhaqanka iyo Lafta gareen.

Ujeedka Kulamadaasi waxay ahaayeen sida laga yeelayo Xildhibaanada Tirada laga dhigayo Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/casiis Xasan Lafta gareen ayaa labada jeer hore u sheegay in 95 mudane laga dhigayo Golaha Wakiilada halka Odayaashu ay dalbadeen in loo dhaafo tirade hadda oo ah 149 Xildhibaan.

Waxay Malaaqyada ku dooneen in Beelaha ay Kuraas ahaan uqeybsadeen Xildhibaanada hadii la yareeyana ay saami ahaan kala badnaashiyo imaan doonto.

Waxa loo ballamay Kulan Seddexaad inkastoo Lafta gareen uu weli leeyahay wax kama badelayo go’aankeyga oo Dastuurka ayaa dhigaya 95 Mudane.

Tiro 54 Xildhibaan ayaa ka saa’id ah intii Dastuurka dhigayey waana mida keentay in hadda la isku fahmi waayo inta kuraasta Xubnaha ku fadhiisanaya noqonayaan Ee Beelaha kala mateli doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here