XOG: loolanka adag ee Imaaraadka & Qatar ee doorashada Somalia, (Yaa ku adkaanaya)?

0
48

Dowladaha Imaaraadka iyo Qatar ayaa siyaasad kala fog ku wajahay Soomaaliya, waxay labada Dowladood ilaashanayaan danahooda qaran ee ku aadan arrimaha dalkan geeska Afrika ku yaalo ee hodanka ah ku Kheyraadka dabiiciga noocyadooda kala duwan.

Sida dadka Siyaasadda la socda ay sheegayaan Labadan Dowladood ayaa galaangal siyaasadeed oo qoto dheer ku leh doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada hadda soo socota ee 2020/21, taas oo ay kala wataan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay doonayaan iney danahooda gaarka ah ku fushtaan sida horay u dhacday.

Imaaraadka Carabta hadda iskuma fiicna Dowladda Farmaajo oo waxaa kaga xoog badan Xukuumadda Dooxa ah oo saameyn ku leh madax Dowladda Federaalka, sida madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo horay ugu soo shaqeeyay Tv-ga Afka dheer ee Al-Jazeera qeybtiisa Af-carabiga.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka: Waxay xiriir wanaagsan la leedahay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland, oo marar badan madaxeeda Khilaaf u dhexmaray Dowladda Federaalka iyo madaxda iyo labadaas maamul goboleed.

Waxaa laba dhinca kala raacsan Siyaasiyiin Soomaaliyed oo iyagana intooda badan ilaashanaya danahooda gaarka ah.

Madaxweynaha Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasina kula kulmay xubno sirdoon oo ka socda Imaaraadka Carabta ayaa ka dib u duulay magaalada Abu Dubai ee isku taga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kula kulmay madax ka socota Shirkadda DP World oo heysata Dekadda magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qudhiisa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Nairobi halkaas oo uu kula balansan yahay xubnaha sirdoonka Imaaraadka, sidoo kalen, Nairobi waxay martigelineysaa olole siyaasadeed oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland (Axmed Madoobe & DENI) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Shacabka Soomaaliyed waxaa looga baahan yahay inay labada dhinac ku cadaadiyaan inay Maslaxada iyo danaha qaranka ka hormariyaan danahooda gaarka ah, in ay sidoo kale ku cadaadiyaan inay wada shaqeeyaan isuna tanaasulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here