XOG: loolanka Qatar & Imaaraadka,Go’aanka Villa Somalia & dhagarta mucaaradka

0
138

Waxaa sii xoogeysanaya loolanka Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta ay ugu jiraan helista ilaha dhaqaalaha dalka gaar ahaan Dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha dalka.

Waxayna labadan Dowladood ay siyaasad kala fog ku wajahayaan Soomaaliya,waxayna Labada dal waa imaaraadka Carabta iyo Qatar ay ilaashanayaan danahooda Qaran.

Xiisadda u dhaxeysa Dowladaha Khaliijka oo hadda sii hor ka yara qabow waxay mustaqbalka siyaasaded aan wanaagsaneyn ku yeelan kartaa Soomaaliya oo ay tahay iney ku xadgudbaan qaranimada iyo madax banaanida dalka.

Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa waxaa kala taageeraya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleed qaarkood oo khilaaf adag uu ka dhaxeeyo Dowladda dhexe ee dalka.

Dowladda Qatar: Waxay saameyn ku leedahay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Khayre iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Halka Dowlada Imaaraadka: uu saameyn ku leeyahay Madaxda Maamul goboleedyada, kuwaaso dhawaan dhistay gole ay ku mideeysanyihiin oo loo baxshay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Waxaa laba dhinca kala raacsan Siyaasiyiin Soomaaliyed oo iyagana intooda badan ilaashanaya danahooda gaarka ah.

Culumada, Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyed waxay badankood Dowlada Dhexe ku raaceen mowqifkii ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada khaliijka.

Marka la fiiriyo laba dhinaca waxaa Awood badan lahaa iyo taageero baaxad leh Dowlada Dhexe balse Aan ka faaideysan fursada ay haysteen iyada oo isla markaana ay Madaxda dowalda dhexe sameyeen khaladaad Aan loo baahnayn oo ay ku waayen kalsoonida iyo taageerada shacabka.

Shacabka Soomaaliyed waxaa looga baahan yahay inay labada dhinac ku cadaadiyaan inay Maslaxada iyo danaha qaranka ka hormariyaan danahooda gaarka ah, in ay sidoo kale ku cadaadiyaan inay wada shaqeeyaan isuna tanaasulaan.

Dowlada Dhexe iyo Madaxdeeda waxaa si gaar ah looga baahan yahay inay la imaadaan hoggaamin wanaagsan, dulqaad, daacadnimo, cadaalad, Karti, hufanaan, hawlkarnimo iyo farsamadii ay uga gudbi lahaayeen xaaladaha cakiran ee ka jira dalka laguna heshiin lahaa oo lagu mideeyn lahaa ummadda Soomaaliyed.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here