XOG: Madaxtooyada Soomaaliya oo ku muransan xil ka qaadista Saadaq Joon

0
23

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa diiday dalab kaga yimid madaxweyne Farmaajo oo ku aadan in isbedel lagu sameeyo taliska qeybta guud Booliska gobolka Banaadir oo uu madax u yahay Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Sida aan xogta ku helnay,madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisal wasaarahihiisa la wadaagay warbixin hanaan cusub oo lagu wajihi karo sugida amniga Muqdisho,kaas oo uu ka helay qubo dhanka amniga ah,waxayna arrinta diirada saareysaa in isbedel dhab ah lagu sameeyo Hoggaanka ciidanka Booliska gobolka Banaadir,taas oo sahleysa in si guud loo sugo amniga caasimadda oo doorasho ku soo fool leh.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga cudur daartay madaxweynaha in Saadaq Joon uu mas’uul ka yahay istiraatijiyadda cusub ee lagu hagaajiyo amniga Muqdisho oo mudooyinkii dambe ka dhicin Qaraxyadii waa weynaa ee Al-Shabaabka ay fulin jireen,sidaas darteedna xilka qaadista Saadaq joon ay dhalin karto halis kale oo dhanka amniga ah.

Saadaq Joon ayaa saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,isagoona fuliya amarada Xafiiskiisa ka soo baxa.

Saadaq Joon oo hadda ah Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa horay u soo noqday taliyihii sirdoonka gobolka Banaadir oo markii dambe Booliska lagu daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here