Xog; Madaxweyne Farmaajo raalli miyuu ka yahay Qabyaaladda iyo Aarsiga Lafta Gareen?

0
24

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inta uusan madaxweyne noqon, illaa maanta wuxuu sheegaa in uu la dagaalammayo musuqmaasuqa iyo eexda naafeysay Soomaaliya, balse waxaa is weydiin mudan in in madaxweyne Farmaajo uu raalli ka yahay ku takri falka awooda uu cabdicasiis Laftagareen u sheeganayo shacabka Jamhuriyada barakeysan maayland.

Sida la wada ogsoon yahay, madaxweyne Farmaajo wuxuu hiil iyo hooba ku taageeray musharax Lafta Gareen oo ka soo jeeda beelaha Degta JBM isagoo markaa u arkayey in uu yahay musharaxa ugu jilicsan marka loo eego musharixiinta kale ee markaasi u taagnaa xilka madaxweynenimo ee maamulka Jamhuriyada Barakaysan maaylanda.

Taasoo keentey in xukuumada ay musharixiinta qaarna lacag siiyo isla markaana ka musaafuriyo magalada baydhabo, qaarna kala cararaan, qaarna inta ciidamo itoobiyaan lagu dalbado lasoo xero Sida madaxweyne Mukhtar Roobow ilaa iyo maantana si sharci daro ah ugu xiran yihiin dowlada federaalka gaar ahaan madaxweyne farmaajo.

Tan iyo markii Cabdicasiis Lafta Gareen ay xukuumada federaalka usoo magacowdey in uu hogaamiye ka noqdo maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ku dhaqaaqay falal aad u xun oo aysan habooneyn in uu ku dhaqaaqo ruux masuuliyad sheeganaya sida eex iyo aargoosi ka dhan ah beelaha dega deegaanada koonfur galbeed ee aysan isku siyaasada aheyn.

Sida aynu wada ognahay laga soo bilaabo December 2018 xiligii uu Cabdicasiis Laftagareen uu la wareegay xilka maamulkaasi, magalada baydhaba waxaa lagu diley dadyow isugu jira waxgarad, shacab iyo mas’uuliin sida aygoo beel ahaan ugaarsanayaan si ay uyiraadaan maamul wanaaga ayey ka soo horjeedaan

1)- Ganacsadaha weyn Marxuun Xaaji Cali Marguus

2)- Xildhibaan Cabdishakur Yaqub Hassan

3)- Mudane Xaaji Nuur Cali (la dhashay wasiir hore ee Jubbaland Cali Xaaji Nuur).

4)- Teegdheere, iyo ciidamo dowladda ka tirsan oo lagu kala dilay (Maanyafuulka, Doynuunay)

5)- Dhowr dhallinyaro oo lagu dilay Berdaale iyo Awdiinle dhexdooda

6)- Aqoonyahan Haaruun Xasan Cadde Xilalka Laga qaadey mas’uuliyiinta

1) Cali Ibraahim Shaamey Agaasime Guud ee Madaxtooyada

2)Gaashaanle Maxamed Caracase Taliye kuxigeenka Daraawiishta KGS oo hada lagu sheegay inuu yahay gudoomiyaha degmada bersale

3) Abdinaasir Cabdi Maxamed, Taliyaha Nabadsugidda KGS

4)Xasan Nuur, Agaasime ku xigeenka xafiiska Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyahada laanta 3-aad

5) Abshir Maxamed Nuur Mandelle Agaasime ku xigeenka ahaana tafatiraha TV-ga Koonfur.

G. Qaar ka mid ah Xilalka Loo magacaabay shaqsiyaad ku beel ah Cabdicasiis Lafta gareen tan iyo December 2018 oo aan ku jirin xilalkii ay ka hayeen maamulkii Shariif Xasan:

1- Maxamuud Maxamed Kheyre, wasiirudowlaha Madaxtooyada KGS

2- Xasan Biikole, Duqa Magaalada Baydhabo

3- Mustafa Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

4- Nuuraddiin Gacma, Afyaheenka Dowladda Koonfur Galbeed

5- Ibraahim Baaffo, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed

6- Abdullahi Cali Watiin, Agaasime Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta

7- Xuseen Xasan Hariimow, Maareeyaha mashaariicda World Bank

8- Maxamed Macalin Isack, Xubin Guddiga isgaarsiinta Qaranka

9- Shamso Ibrahim Police, Xubin guddiga Ladagaalanka Musuqa ee Xeer Federaal

10- Xasan Abdinuur, Lataliyaha wasaaradda Caafimaad KGS

11- Joon Lafta gareen, Agaasimaha waaxda qorshaynta xafiiska Wasiirudowlaha Madaxtooyada

12- Cabdifitaax Mahad Cabdiraxmaan, Regional Security Officer(RSO) Federaalka

13- Yuusuf Abduqaadir Baafo, wakiilka guddiga doorashooyinka Qaranka GMDQ ee KGS

14- Maxamed Keerow, Gudd Guddiga doorashooyinka xeer Maamul-goboleedka ee soo xulista BKGS)

15- Cabdicasiis Axmaar, Taliyaha ciidamada ururka Deg Berdaale

16- Bandhowow, Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Kgs

17- Meedey, taliyaha madaxtooyada kgs 15)

18- Maxamed Ibraahim, Agaasimaha howlaha farsamo iyo maamul ee madaxtooyada kgs.

19- Cali Young, Lataliyaha dhinaca dowladaha hoose ee wasaaradda arrimaha Gudaha ee KGS

20- Cabdiwahab, madaxa mashaariicda deegaanada KGS

21- Deeqow, lataliye wasaaradda Maaraynta musiibooyinka iyo arrimaha gargaarka

22- Xuseen Shiniyoow, Agaasime waaxeed wasaaradda dhallanyarada iyo cayaaraha Xuseen Shiniyow.

Dadka ayaga xididka la ah Cabdi casiis Laftagareen oo sida nin jeclaysinimada wax lagu siiyey:

1) Musdhaf Hilowle, iskuduwaha wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Hooyadii ayaa Hariin ah

2) Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka, wuxuu qabaa gabadha General Mahad.

3)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hadda, reer Abti.

Intaasi waxaa dheer Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Lafta Gareen, oo adeer laxmi u ah Cabdicasiis Lafta Gareen, gabadhiisana uu qabo.

Beelaha kela oo ladego degaanka KGS warkeedaba iska daa.

Su’aasha ay reer Koonfur Galbeed is weydiinayaan ayaa ah, madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo raali miyuu ka yahay Xab dhaqanka Cabdicasiis Lafgareen oo salka ku heysa Musuqmaasuq, Eex iyo aarsiga .

Gunaanadka warkeena qoraalkan aan soo gudbineyno ma aha mid aan ugu gon leenahay in aad shaqsi ku dhibaateyno balse waxaa mar walba haboon in shacabka reer koonfur galbeed lagu dhaqo sinaan, Cadaalad iyo isku duubni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here