XOG: Maxaa Xasan Sheikh looga reebay kulamada ka socda Nairobi & Xog kaa qarsoon?

0
78

Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa isku uruursanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyagoo halkaas ka bilaabay olole iyo isxulufeysi siyaasadeed oo lagu wajaho doorashada soo socota ee dalka.

Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ah iyo madax goboleedyada ayaa durba bilaabay kulamo siyaasadeed oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana shirarkan ka marneyn gacmo shisheeye.

Waxaa jira mas’uuliyiin magac leh oo ka maqan kulamadan oo laga xusi karo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh, inkastoo suurta gal tahay inuu gadaal kaga biiro kulamada ka socda magaalada Nairobo, sidoo kale, wararka xanta ah ayaa waxay sheegayaan inuu jiro Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Labada madaxweyne hore oo ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran.

Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif, ayaa la sheegayaa iney isku fahmi waayeen hoggaanka madasha iyo aragtida siyaasadeed ee ay kala qabaan labada madaxweyne.

Madaxweyne Deni oo maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi ayaa halkaas kula kulmay siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xubno ka socda beesha caalamka, waxayna wararku sheegayaan inuu Nairobi ka bilaabay xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale, waxaa isbaheysiga Nairobi ku biiraya madaxweynaha Bubbaland Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda ku wajahan magaaladas.

Nairobi ayaa caan ku ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ololahooda ka soo bilaabaan xilli doorasho kasta oo ay Soomaaliya aadeyso, waxaana lagu xasuustaa in doorashadii u dambeysay ee 2016-kii ay ololahooda ka soo bilaabeen musharaxiin badan oo uu ku jiray Madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here