Xog Qarsoon oo Farmaajo iyo Khayre oo udagey Gudoomiyaha BFS Mursal Wareysigii Maanta Dartiis

0
709

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaaa la filayaa in dhawaan lagu qaado dagaalkii iyo qiyaanadii uu umaleegay Prof. Jawaari, hadda waxaa socda qorshe looga tuurayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Guddoomiyaha ayaa maanta ka hadlay arrinta daabulidda ciidanka Muqdisho laga keenay oo diyaarad lagu geeyay magaalada Beydhabo, khilaafku horay ayuu usoo jiray oo guddoomiyuhu wuxuuba horay udiiday in si sharci ah lagu kala diray guddigii dhaqaalaha ee Baarlamaanka.

Inkastoo Mursal shalay wuxuu aqbalay in xilka laga tuuro Professor Jawaari oo ah odaygii isaga siyaasadda kusoo daray, haddana kooxda Nabad iyo Nolol ma doonayaan qof haddii farta afka loogeliyo qaniini kara, haddii aad shalay ku qanacday in sallaan lagaa dhigto, hadda waxey mareysaa nabsi maraagee adna maku heysataa maanta, waliba xilli saaxiibkaa Shariif Hassan uusan hiil kuu gelin oo isagiiba la filqay. ( saddexdii Dibi)..

Waxaa sidoo kale isna indhaha faraha looga hayaa oo si xun kuleetiga loogu dheganyahay Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdullaahi oo la raadinayo hab xilka looga tuuro si loo keeno mid hogaansami kara, haddaba arrinta Senetor Abdi Xaashi Cabdullahi waa ka yara culustahay midda Mursal sababtoo ah waxaa xagga fadhiya odayaal horay usoo jabay waxayna ogyihin markii odaygan laga wareejiyo in meeshu calaw soconaya isku bedeleyso sidaas darteed wuxuu heystaa Xeyndaab haddii lagu deg dego halistiisa leh.

Waxaan ku talin lahaa in kooxda Nabad iyo Nolol sheegata ay qiimeeyaan xaaladda lasoo maray, waddanka xoog iyo qori caaraddiis waxaa ku socodsiin waayay Maxamed Siyaad Barre oo barqo cad diyaarado iyo Taangiyo ka cararay, waddanku wuxuu ka soo gudbay marxaladu aad uqaraar, Madaxweynuhu hilibka birta lagu dubo (Barbeque) ayuu ku cuni jiray harada loo yaqaan Erie oo ku taal Bufallo, halka Ra,iisul wasaaruhu wuxuu deganaa meel udhaw Madxafka maraakiibtii burcad badeedii ugu horeeysay adduunka ee loo yaqaan (viking) ee qarnigii 9aad ka dhalatay Europe, markii waddanku qaska ku jiray wuxuu daawasho u aadi jiray halka laga soo boodo ee Oslo udhaw ee loo yaqaan (Holmenkollbakken).

Mudanayaal hadda dalxiis sheekadu maahan, waddamadii aad ka timaadeena laguma cabiri karo Soomaaliya, waxaad ogaataan wadada aad maanta doorataan ayaaa ah mustaqbalka caruurtiina qurbaha ku milmay ee aan xitaa luuqaddii dalkooda aqoon, falcelinta deg degga ah ee aad qof kasta ku aamusineysaan waxey horseedi doontaa burbur iyo is-aaminaadii oo dhamaata, waxay sababeysaa isla xisaabtanka oo la waayo sababtoo ah kii wax yar sheega daaqadda ayaa laga tuurayaa Suxufi aduuba yahayna waaba la xirayaa.

Mohamed Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here