XOG QARSOON: RW Rooble oo fursad taariikhi ah heysta

0
106

Maamullada  Puntland iyo Jubaland ayaa looga mahadnaqay mowqifka ay ka qaateen heshiiskii magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

Labadan maamul ee udub-u-dhaxaadka u ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay is-afgaradkaas waxaana ay ku baaqeen in dowladda federaalka ka shaqeyso xalinta qodobada kale ee khilaafka ka jiro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah musharax madaxwayne, ayaa sheegay in Rooble uu haysto “fursad hoggaamin oo taariikhi ah”.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo soo dhoweeyey heshiiska dhexmaray Midowga Murashaxiinta iyo xukuumada, iyo sidoo kale Beesha Caalamka,” ayuu kusoo qoray Facebook-giisa.

Wuxuu ku dara: “Dhamaantood waxay ku baaqeen in qoddobada dhiman la dhamaystiro. Raysalwasaare Rooble fursad hoggaamin oo taariikhi ah ayaa halkan uga furan, waxayna ku xiran tahay dhamaystirka hawsha uu shalay bilaabay”.

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey, ayaa wuxuu qiray in Puntland iyo Jubaland ” ay door weyn ayay ku leeyihiin dowlad dhisida Soomaaliya.

“Waan uga mahadcelinaynaa dowladaha Puntland iyo Jubaland soo dhaweynta heshiiskii xalay ay wada gaareen Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumada Ra’iisul Wasaare Rooble,” ayuu ku daabacay boggiisa Facebook.

Mudanaha ayaa raaciyey: Madaxweyne Saciid iyo Axmed door weyn ayay ku leeyihiin dowlad dhisida Soomaaliya, qodobada qabyada ahna si wadajir ah ayaan uga wada shaqayn doonaa dhamaystirkooda inshaaAallah”.

Heshiiska dowladda iyo musharaxiinta oo ka koobnaa lix qodoba ayaa xeerinayey in xukuumadda raaligelin ka bixisay dhacdooyinkii 19-kii Febraayo, guddi baaris oo loo saarey, iyo in labada dhinac kawada shaqeeyaan banaanbax nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here