Xog Raysal-wasaare Cali Kheyre iyo Mudane C/Casiis Xasan Maxamed laftagareen (Mr Karasaay) oo qadka tilifoonka iskula dhacay

0
43

Raysal-wasaare Cali Kheyre iyo Mudane C/Casiis Xasan Maxamed laftagareen (Mr Karasaay) oo qadka tilifoonka iskula dhacay xalay ma ahane habeen hore, waxaana isku dhacoodan uu salku ku hayaa arrinta degmada Wanlawayn JBM. Wasiirka koobaad federaalka Soomaaliya Mr Kheyre ayaa doonistiisi qadka isgaarsiinta ku yiri “Cabdicasiis, waxaan doonayaa in arrinta degmada Wanlawayn anniga raysal-wasaaraha ah aad iiga dambayso oo aan dhameeyo, indhaha bis aad ka daawatid, si Allaaliyo sidaan ka yeesho,” taaso Mr Karasaayna ay u cuntami waydayo uu yiri ” Maya, degmada Daafeet JBM waxay ka tirsantahay gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, waxayna hoos timaaddaa maamulkayga, marka annagaa iskufilan waxeena annagaa dhamaysanayna adinka faraha kala baxa,” waxaana tani ay sababtay caro aad u wayn oo ay kala qaadeen labadan masuul. Raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre oo abaabulka duullaankan huwanta Salballaar Two aad gadaal uga taagnaa ayaa ku doodayay in gobolka Shabeellaha-Hoose JBM dadkiisu ay kala badh iska leeyihiin, si taasi loo meel mariyana jidka halbowlaha degmada Wanlawayn JBM uu ku dadaalayo in ay huwantiisu Salballaar Two gacanta ay ku dhigaan, sifo loo quusgeliyo sheegashada ummada Reer Maayland gobolkoodan burwaaqada badan 30-ka sano dhaca iyo kufsiga iyo boobka beeraha iyo guryaha iska caadiga noqday dharaar cawabana dhiigga muwaaddiniinta la qubayo bilaa iswaydiin 

Macalinka lugaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here